Skip links
Aqoonyahan

Aqoonyahan noocee ah baynu u baahannahay? (1)

Waa su’aal u baahan in laysla fahmo, aragti midaysanna laga yeesho, waa in daneeyayaashu dhammaan ay wada sawiraan aqoonyahanka (ardayga Jaamacadda dhiganaya ee aan u baahannahay) nooca uu noqonayo iyo midabka uu yeelanayo.

Ummad waliba waxay leedahay aragti adduun oo iyada u gaar ah, kana imaanaysa waxyaabaha ummadaasi qadariso, saamaysana siyaasadaha ay ku maamulayso barbaarinta iyo waxbaridda jiilalkeeda soo koraya iyo waxbarshadda dalkooda ka socota.

Waxyaabaha ay ummadduhu ku hagaan tacliintooda asaasiga iyo tan sareba waxaa ka mid ah; Caqiidada ama Caqiidooyinkooda Diimeed, Dhaqankooda, Taariikhdooda lama ilaawaanka ah, Afafkooda iyo qiyamka nuxurka u ah noloshooda.

Jaamacadda, Hay’adaha Cilmiga iyo Tarbiyada iyo Cilmi-baarista ee raacsani, waxay ka mid yihiin tiirarka asaasiga ah ee masuulka ka ah in hoggaaminta bulshada iyo jiheynteeda si sax ah oo dhab ah loo abbaarsiiyo dhinaca horumarka iyo lajaanqaadidda isbeddelka caalamku ku tallaabsanayo.

Haddaba, aqoonyahanka aan u baahannahay waa:
  1. Qof Muslim ah, ku dhaqma diinta Islaamka, yaqaanna waxa u xalaala iyo waxa ka xaaraana, ku dadaala gudashada Salaadda, Soonka, Sakada iyo wixii Rabbi faray oo dhan, kana fogaada waxyaabaha Alle ka xarrimay oo dhan. Taas micneheedu waxaa weeye in tiirarka siyaasadeed ee lagu hagayo tacliinta sare ee Puntland iyo Soomaaliyaba ay xoog ku yeelato diinta Islaamku.
  2. Aqoonyahan qadariya dhaqanka soo-jireenka ah ee Ummadda Soomaaliyeed, aqoonyahan ay ku wayntahay waxbadan oo dhaqanka Soomaaliyeed huwan yahay oo ay ka mid yihiin, Deeqsinimo, Marti soor, Gaadiid celis, Xoola gooyo, Dhibaad, lahaanshaha gaar ahaaneed, Daacadnimo, Hawlkarnimo iyo Suugaan jaceyl.
  3. Aqoonyahan la jaanqaadaya ka-qaybgalka aqoonta iyo teknoloojiyada adduunyada horumartay, Tacliintu, haba lagu kala horumarsanaadee waa dhaxal dadyoowga adduunka ka dhexeeya, ummad walibana rabto inay hanato si ay dadkeeda ugu diyaariso nolol fiican iyo barwaaqo.                                   Hadaba xarumaha waxbarashada sare ee Puntland iyo Soomaaliyaba waa inay hormuud ka noqdaan waxbarasho la jaanqaadaysa aqoonta iyo tiknooloojiyada cusub ee lagu gaarayo xirfado sare iyo cilmi baaris tayo leh, iyadoo xiriir lala samaynayo xarumaha caanka ku ah cilmi baarista iyo tiknooloojiyada casriga ah loona isticmaalo waxbarashada iyo waxbaristaba.
  4. Aqoonyahan ku sifoobay Qiyamka (Values) mudnaanta la siiyo, sida: hufnaanta, kartida, daacadnimada, ku tababarashada wanaagga, xallinta mashaakilaadka,dhaqanka wax-ku biirinta bulshada sida: iskaa-wax uqabso, isdhexgalka, akhlaaqiyaadka shaqada iyo hoggaaminta suubban.           Hadafka loo asaaso Jaamacadaha waa in la raadsho runta, ardaygana lagu baro cilmi uu ugu adeegi karo naftiisa iyo bulshaddiisa iyo aadanaha guud ahaan. Tacliinta sare waxa markaa xoogga la saaraa  barashada Xirfaddaha, Aqoonta, Go’aan qaadashada toosan, barashadda qiyamka iyo qaayibaadda wanaaga.
  5. Aqoonyahan ilaaliya hab-dhismeedka bulshada, taageera: maamul-wanaagga, sinnaanta, caddaaladda, u nuglaanta dadka aan bulshada ku lahayn qiimihii ku habboonaa. Sidoo kale ardaygu wuxuu baranayaa sida looga hortago caqabadaha horyaal bulshada sida: Qabyaaladda, gacan ka hadalka, dembiyada, iska-horimaadka, kalasarraynta soo jireenka ah, eexda, naafannimada, saboolnimada iwm.
  6. Aqoonyahan ka dharagsan taariikhda iyo sooyaalka Ummadda Soomaaliyeed oo gaaraya 5000 sano ka hor waqtigii ay Faraacinadu xiriirka la lahaayeen dhulkii Punt, taariikhdeennu waxay xambaarsantahay Af, dhaqan, isku-kalsoonaan, hufnaan, sarriigasho, hab-dhis bulsho iyo isku xirnaan, taasoo hagaysa waxbarashada Sare ee Dalka.
  7. Aqoonyahan ka dharagsan qiimiga Afkiisa hooyo, oo la oran karo wuxuu xambaarsan yahay waaya-aragnimada Soomaaliyeed oo dhan.
  8. Aqoonyahan ilaaliya hantida guud iyo tan gaarka ahba; Jaamacaduhu waa meelaha ugu habboon ee ardaygu ku fahmi karo in hantida guud iyo sida loo ilaaliyo, haddii hantida guud iyo tan gaarka ahba aan la ilaalin waxaa ka dhalan kara burbur ummadeed sida Soomaaliya ku dhacday.

Allaa mahadleh,

Dr. Maxamed Cali Faarax

Leave a comment