Skip links
dadabgal

DADABGAL

  • Gabdhihii gabbaatiga lahaa way ka gudayaane
  • Guubaabo ba’an bay qabaan goor iyo ayaane
  • Ninka guursan bay galab cidlaa geed la galayaane
  • Markaas guddoonkood ku bixin inay isgaaftaane
  • Kolkaas baa giraan socota, iyo gow la tumayaaye
  • Hablihii la wada gaafan jiray, maanta goroyoobe! 
  • […]

In dhawayd is xawli ah buu isu beddelayey milgihii uu lahaan jiray guurka Soomaalidu, isaga la falgalay habab iyo jaadad kala ayni iyo anshi duwan ee ay u dhooyadaan uumanaha deggan daafaha kubbad u ekaha aan dul ramadhuurno.
Hilaado Soomaalida waxaa soo maray ay u siteen hannaanka iyo milgaha guurka, beriyihii dahabiga ahaa ee Soomaalida, maanta waa gabaabsi ama ma jiro ba. 
Berigii hore gabadha waa la gaadan jiray, beryaa loo shuurin jiray, shirrabyo isdano joog ah baa la marin jiray, haddii ay heeran tahayna ilooti dheer baa loo yeelan jiray. Intaas gabdhaha keli ah kuma koobnayne ragguna waa la wadaageen.

Weriyooyinka dadabgalladda haddii la doono in la wariyo lagama geyoon karo, balse aan kor istaago hannaankii uu ahaan jiray guurku beri la soo weydaartay.

“Dumar iyo gammaan ba waa la hiddo raacaa”,

Gaadasho intaas baan noo soo koobaysa, waa in gabadha aad guursanaysid abkeed, isirkeed, absaxankeed iyo ayada ba baar ilaa cirib aad taqaannid, haddii aadan aqoonna aad xogteeda baartid.

Guurdayashadu waxa ay salka ku haysay doorashada kartida gabadha, kolka doorasho timaaddo waxaa lama huraan ah in la helo waxii doorashada la geliyo cidna ay ku baramoosto cidna boorku ku leefo, halkaasna waxaa ka dhalatay in gabdhaha qaarkood la guursan waayo ayna kula jabaan labo jaad oo kala ah; Guunow [Guun(m)ays] iyo Heeran. Guunaystu waa midda gashaantinnimadeeda ku weynaata kuna dhimata. Halka heeranku yahay midda adkaysan weyday oo geyi kale u raadsata guur. Halkaasna waxaa ka abuurmay labo hidde oo kale ah; Yabar iyo Heeranbax.

Yabartu waa in gabadh looga baqay in ay guumeysowdo yaradkii laga qaadan jiray la cafiyo ninkii guursadayna xoolo la raaciyo, halka awal asaga laga qaadan jiray xoolo tirodhaaf ah.

Qiimeyntu ma ahayn, quruxda gabadha walow ay qeyb ka ahayd, ma ahayn qaabdhismeedka jirkeeda, ma ahayn, dharka ay xirato mana ahayn, caynadda nololeed ee ay ku jilbogo’an tahay. Taas beddelkeed waxaa laga eegi jiray raaska ay ka soo jeeddo magacooda, xoolahooda, sharaftooda iyo meesha ay kaga jiraan heerarka nololeed ee bulsho. Taasna waxaa ka samaysantay maahmaahda la dhaho

“Gabadha lama guursadee reerkeedaa la guursadaa”.

Intaas markii la dhammaystiro, waxa ay qiimeyntu soo gudbi jirtay gabadha oo laga qiimeyn jiray hiddaheeda, aqoonteeda miyiga, dhaqaalaheeda, sida ay xoolaha ku tahay, haddii dhib yimaado sida ay u xalliso, heerka garaadkeeda, markaas baa loo iman jiray in quruxdeeda la qiimeeyo. Jirkeedu qiimeynta kuma jirin sababta oo ah waxaa la ogaa in mar haddii dhashey noqoto quruxdani doorsoomayso laakiin shayga aan doorsoomayn uu ahaa dabciga iyo dabeecadda gabadha.

“Gabaryahay, waxaad garanasiyo waxaad garoocayso
Gal bidhaamo lagu xiray waxaad gelin ba meel joogto
Waxaad galangalcaysiyo waxaad gudub u joogtaa ba
Waxaad dumarka geeddada degaa uga ged buurnaato
Waxaad galabta joogtaa halkii aan guddoonsadaye
Gabaryahay haddaad geela iyo ariga meel gayso
Oo aad gammaankiyo fardaha gelin ba gaaddayso
Waxaad tahay middaan garanayoo maanku ii galaye
I gargadaadi gabaryahay adaan caawa kuu galaye […]

Qiimeyntaas ka dib waxaa loo soo jeensan jiray loona qaanshaysan jiray habkii gabadhaas loola soo wareegi lahaa wixii la sugo iyo wixii la sugo ba, waa kan oo roobkii yimid waana la galgaal baxay illayn “Markii rays dhoobmo baa talo dhooban taaye”, maanta waa tan oo waxa soo gibladay horin ilmo adeerro, xigto iyo waday ahba waa kuwan la tiicayo geel loo yaqaanno GABBAATI oo la sii baxsho inta aan yaradka weyn la bixin, gabbaatiga waxaa la baxshaa marka gabadha loo DADABGALO, xoolahaas oo u dhigma doonnaan.

Gabadha waa idin weyddiisannay iyo waa la idin siiyey, markii ay dhammaato waxaa loo ballami jiray in nurkaan nurkaan nurka xiga inanta la gurigeyn doono, inta ka horraysa haddii uu nin dhaco (Dhabargaaracdo) waxaa ka dhici jiray dagaallo lagu hoobto laguna ba’o.

Marka gabadha la siiyo inanka durbadii laguma meherin jirin, oo ammin dheer baa u dhaxayn jirtay. Ammintaas oo looga gol lahaa in aysan isu dhuuman, ka dib markii uu ninku baahi baxana uu san gabadha dayrin sida maanta dhacda.

Gabadha sidaas baa lagu guri geyn jiray marka la gaaro nurkii loo ballamay. Yaradkii baa la bixiyaa, aqallo diyaarsan baa loo hamaamadaa, waana loo dhisaa inanka. Tolkiisna waxa ay wiilka siiyaan xoolo yaqaanno KAALO. Markii ay abaaro dhacaan gabadhu waxa ay reerkooda u raadsan jirtay DHIBAAD.

Maanta guurkii milgahaas lahaa waa is beddelay, wiilka iyo gabadhu marka ay isi soo arkoodaan ayaga uun baa gaarkood u heshiinaya, ka dibna waa ay isku baahi beelaan sidaasna waxaa dhacda in aan reerkaas la dhisin.

Sidaas baa maanta ay u dhacaan waxyaabo ka reebban dhaqan Soomaalida sida; garcashada, kufsiga, faroxumaynta iyo waxyaabo kale.

Soo celinta guurkeennii hore waxa uu ahaa jiritaanka qoyska iyo bulshada.

W/Q: Xoosh Docol

Leave a comment