Skip links
Albaani

QISADA SHEEKH MAXAMED NAASIR AL-DIIN (ALBAANI)

Sheekh Maxamed Naasir Al-Diin Al-Albaani. Shiikh Albaani waa mid ka mid ah culimada loo daliishado xadiithka oo la yidhaahdo Albaani waxa uu u arkay xasan, saxiix, ama daciif. Ninkani waxa uu Alle ku galladay ah in uu gacantiisa ku nadiifiyey axaadiithta ay been abuurteen bidcada iyo dadka jecel beenta iyo fitanta. Waxa uu dhashay qiyaastii sanadkii 1914 miilaadiyada magaalada Ishkoder ee dalka Albania, aabihiis Nuux waxa uu ahaa caalim caan ku ah cilmiga fiqiga Imaam Abuu Xaniifa, kaaso marjac u ah “Arna’ut” oo ah dadyowga degan dalalka ka tirsan dhanka Yurub ee Serbiyiinta, Albaaniyiinta iyo Bosniaks. Sidaa darteed, markii uu u soo guuray Dimishiq, waxa lagu tilmaamay “Arna’ut-gii.” Aabihii wuxuu ahaa caalim dhanka diinta wax ku bartay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, waxayna haysteen madhabka Xanafi.

Sheekh Albaani, oo uu Sheekhii Islaamka ee wakhtigaan Ibnu Baz ka yidhi: “ Waa cusboonaysiiyaha xadiiska iyo sunnada ee samankan”.

Xukunka “Albaaniya” waxaa la wareegay “Axmed Zogu” oo loo soo gaabiyo Zogu oo macnaheedu yahay Shimbir, waxa uu xukunka la wareegay sannadkii 1928-kii, markii uu xukunka la wareegay, waxa uu ka shaqeeyay sidii Ataturk ka samayn jiray Turkiga oo uu doonayay inuu dejiyo shuruuc reer galbeedka ah oo uu ka mid yahay in la baab’iiyo xijaabka dumarka. Aabbihiis markuu arkay qaabkaas ayuu Albania ka soo hayaamay oo uu Dimishiq u haajiray isaga iyo reerkiisii, shiikha oo markaas aaminsana in Dimishiq ay tahay dhul barakaysan, sida uu Qur’aanka lagu sheegay suuradda Al-Israa, ” باركنا حوله “.

Markii ay Dimishiq degeen, Albaani wuxuu jiray siddeed jir, luqadda Carabigana si fiican uma uu aqoon, dabadeed wuxuu u bartay si fiican waxaana uu ku dhaafay dadkii dhaladka u aha luqadda carabiga. Aabihii waxa uu qoray dugsigii khayriga ahaa ee Dimishiq ee guriga agtiisa ahaa.

Al-Albaani waxa uu si wacan u kala saari jiray tuducyada maansada Carabiga ah, macallimiin tiisuna waxa ay tusaale uga dhigan jireen ardayda Carabta, markaasay odhan jiray kani waa Arna’uuti, wuuna idin ka yaqaan luqaddiina si ka fiican inta aad ka taqaaniin.” Dugsigii hoose waxa uu ku dhammaystay Dimishiq, balse Aabihii waxa uu ka saaray dugsigii, isaga oo diiday in uu waxbarashadiisa sii wato, waayo waxa uu arkay in aanay waxba ka jirin waxbarashada tooska ah, waxa uu u sheegay in uu shaqo helo, dugsigii hoosena wakhtigaas waxa uu u dhigmayey Jaamacad wakhtiga iminka jirta, waxa uu bilaabay in uu aabbihii u akhriyo qur’aanka kariimka ah, waxa kale oo uu wax ka bartay Imaamka Masjidka Tawbah “Siciid Al-Burhani” oo ka mid ahaa culimada Xanafiyada.

Waa maxay farsamada uu Sheekhu bartay?!

Waxa uu bartay nijaarnimada ama farsamaynta alwaaxa taaso uu ku bartay gacanta abtigiis, waxa uu dhammaystay barashada nijaarnimada oo uu gacanta ku hayay nijaar reer Dimishiq ah oo la odhan jiray Abu Muxamed, waa farsamo caan ah oo ku salaysan dib u soo celinta guryihii Dimishiq oo ka samaysan dhoobo iyo alwaax. Dimishiq waxaa ka da’ay roob mahiigaan ah oo hakad galiyay shaqadii nijaarrada, sheekhii ayaa ku soo noqday aabihii oo ka shaqaynayay hagaajinta saacada, wuxuuna waydiiyay: “Shaqo ma jirto?” Albaani aabihii ayaa yidhi: Shaqo ma jirto! . Waxa uu ku yidhi: kawaran ka shaqaynta hagaajinta saacadaha?! Albaani ayaa yiri: Waa hagaag! Muddo kadib wuxuu bartay hagaajinta saacadaha oo aad buu ugu fiicnaa markii danbe caanna kaga noqday Dimishaq. Farsamadan uu Al-Albaani bartay waxay saamayn ku yeelatay sabarkiisa iyo baadhista qotada dheer ee axaadiista. Cilmiga xadiisku wuxuu u baahan yahay laba sifo: sabir iyo saxnaan.

Sheekhu waxa uu aad u jeclaa akhrinta buugaagta Maraykanka iyo reer galbeedka loo turjumay, kadibna akhrinta buugaagta carabiga ah, wax lacag ah ma haysan, sidaa darteed wuu kiraysan jiray. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa uu Aabihii ka codsaday in uu u fasaxo in uu ku tukado Masjidka Umawiyiinta oo uu ka dhegeysto qaar ka mid ah duruustii lagu baranayay Masjidka, xilligaasi waxa uu jiray afar iyo toban jir. Shiikh Masri ah ayaa masaajidka ka ahaa imaam, wuxuuna ka soo qaadi jiray kutubta Masar, kolkaasuu ayuu masaajidka dhigi jiray, Albaanina wuu baadhi jiray oo ka qaadan jiray buug sheeko ah si uu u akhriyo, maalinkii danbe ayaa waxaa gacantiisa soo galay majalad la oran jiray “مجلة المنار” oo uu markaas qori jiray Sheekh Maxamed Rashiid Reda oo ka mid ahaa culimada dalka Masar, qoraaladaas oo jawaab uu ah kitaab uu qoray Al-Ghazali “Dib u soo noolaynta Culuumta Diinta” wuxuuna xusay baaritaan uu Al-Ciraaqi ku sameeyay kitaabka “Dib u soo noolaynta Culuumta Diinta” Baadhitaankaasi wuxuu soo jiitay dareenkiisa, waxaana uu yidhi; weli ma uu akhriyin culuumta xadiithka, laakiin wuxuu damcay inuu kitaabkan arko, wuxuuna waydiiyay buuggii in uu ka kireeyo? Jacaylka uu sheekhu u qabay akhriska kitaabkan ayaa ku kallifay in uu ku dhex ordo maktabadaha Dimishiq isaga oo raadinaya ilaa uu ka helay. Maadaama uu buuggu ka kooban yahay 4 mujallad oo waaweyn, qiimihiisuna yahay mid sare, isla markaana aanu isagu lahayn, wax kale oo uu ka heli karayey ma jirin, in uu buuggan kireeyo, wuxuuna ka hawl galay in gacantiisa ku qorto ilaa uu dhameeyay 4 qeyb uu ka koobanaa kitaabka halkaasna uu usoo celiyay shiikhii uu ka kiraystay.

Waa halka uu Albaani ku jeclaan doono cilmiga xadiiska,

Shiikh Albaani wuxuu ahaa markaas mid far qoraalkiisa aad u qurxoontahay wuxuuna si wacan u qoray buuggii uu koobiyastay, waxa uu koobiyeeyay afar mujallad, faallooyin badana waa uu ka sameeyay, wixii ka dambeeyayna waxa uu jeclaa cilmiga xadiithka, halkaana waxaa ka bilaabmay dood ka dhex dhalan doonta gudihiisa isaga oo mas’alooyin badan uu si u yaqaan ay wax ka badaleen buuggii uu akhriyay markaasna wuxuu bilaabay in wax isweydiiyo.

Tusaale ahaan waxaa masaajidka Umawyiinta ku dhex yaalay qabuuro, markaasuu iska reebay inuu ku tukado masjidka maadaama ay qabuuro ku dhex yaaliin, isaga oo aan weli labaatan jirsan, waxa uu qoray Riwaayaddiisii, ” تحذير الساجد من اتخاذ القبور مساجد ” “Uga digista qabuuraha Masaajidda laga dhigto”.

Intaa kadib shiikhu wuxu u qalab qaatay cilmiga xadiiska markaas ayuu Aabihii la tashaday, Abihiis ayaa ku yidhi: maxaad ka doonaysaa cilmiga xadiiska, illeen waa cilmi aan macne lahayn. Dooda shiikha iyo aabihiis aad bay ugu kululaatay waxayna gaartay heer shiikhu ka guuro guriga aabihiisa una firaaqoobo barashada cilmiga xadiiska, Aabihiisa ayaa siiyay xooga shilmaad ah oo uu nolosha maalmo ku dabarto. Markii uu Aabihii ka tagay waxa uu furtay Dukaan Saacado ah oo u dhaw Dukaanka Aabihii, waxaana Magaciisa la odhan jiray (Saacadaha Al-Albaani) dadku waxa ay uga iman jireen meelo fogfog, waxa uu tukaanka furi jiray saacado kooban, maadaama uu Cilmiga ka shaqaynayay. Eebbe guulo badan buu ugu deeqay shiikha, guri ayuu gatay, wuuna guursaday, balse Aabihii ma uusan soo xaadirin arooskiisa, khilaafkii dhex maray awgeed.

Dhaqankiisa Shaqo iyo halgankii cilmiga xadiiska

Muddo saacado ah ayuu shaqeeya, dukaankiisiina wuu xidhaa, wuxuuna aadaa maktabadda casriga ah ee magaalada Dimishiq, oo ay ku kaydsan yihiin buugaag, dukumeenti iyo qoraalo dhif ah, wuxuuna waqtigiisa intiisa badan ku qaatay halkaas, ilaa heer loo qoondeeyay qol uu ku leeyahay maktabadda. Jaamacadda Dimishiq waxa ay ka codsatay in uu qoro dhawr buug sannadkii isaga oo labaatan jir ah.

Muddo uu jiray hayaan wax-aqkhriska iyo daalacista buugta waxaa uu gaaray heer ka dhigtay inuu ururiyo tilmaamo gaar ah oo lagu kala saaro axaadiista. Al-Albaani magaciisu waa caan noqday, wuxuuna billaabay inuu Alle iyo iimaanka toosan ugu baryootamo iyo in uusan rabbi ku fidnayn cilmiga, Shiikh Albaani wuxuu caan ka noqday dhammaan magaalooyinka Shaam, sida Latakiya, Xalab, Xumus, Xama, iyo Raqqa, qaar ka mid ah shuyuukhdii Salafiyiinta ayaa cabasho ka qoray, iyagoo sheegay in Al-Albaani dadka ugu yeedho Wahaabiyadda, Agaasimihii nabadsugidda ee Dimishiq ayaa u yeedhay oo la hadlay, kadibna waa lagu waayay wax danbi ah, wakhtigan laga bilaabo 1960-kii miilaadiga ayaa Dawladda Suuriya waxa ay sheikh Albaani daba dhigtay ilaalo ama sirdoon kuwaaso la socda dhaqdhaqaaq yadiisa oo dhan.

Shiikha ayaa waxaa lagu martiqaaday dhammaan dalalka Carabta sida uu ugu bixiyo muxaadarooyinka waxaa u gaaray oo uu kusoo tukaday masjidka Al-Aqsa 1965 AD. Sannadkii 1972-kii ayuu booqday Andalus iyo Marooko, wuxuuna aaday dalka Urdun, Pakistan waxay ku casuuntay inuu halkaas ku noolaado oo uu wax ka dhigo, balse wuu diiday maadaama ay ku adkaatay in qoyska iyo carruurta ay halkaas u wareegaan, xilligaasi waxay ahayd dagaalkii Hindiya iyo Pakistan. Waxa uu daganaa Boqortooyadii sucuudiga sanadkii 1381-1383 ee Hijriyada, waxa uuna ku sugnaa Madiina oo uu macalin ka ahaa Jaamacadda Islaamiga ah, waxa uuna u dhashay wiil uu u bixiyay “Muxammad”, isaga ayaana ugu dambeeyay caruurtiisa, maadaama uu dhalay lix. kuwaas oo dhamaantood magacyadooda lagu kala sheegay “Cabdul,” Abdul-Mawla, Abdul-Musawwir, iyo Abdul-Ala, kuwaas oo uu sheegay in si dhif ah looga isticmaalo dalalka Islaamka.

Sannadkii 1967-kii Miilaadiga ayay maamulka Suuriya shiikha ku xireen muddo bil ah magaalada Dimishiq oo ah halkii uu ku xidhnaa imaamkii weynaa ee Ibnu Taymiyah, ka dibna waxaa la sii daayay bilowgii dagaalkii 1967-kii, markii uu dagaalkii dhammaadayna waxay go’aansadeen in xabsiga la dhigo mar kale muddo sanad ah sanadkii 1969 miilaadiyada, markan waxa lagu xidhay xabsiga Al-Hasakah ee waqooyiga Shaam, waxaanu ku jiray muddo 8 bilood ah, mudadaas xabsiga ah waxa uu koobay kitaabka xadiiska ee Imaamu Muslim.

Muddo kadib wuxuu aaday Urdun. Sannadkii 1388-kii Hijriyada ayuu Sheekh Xasan Al-Sheekh ka codsaday inuu wax ka dhigo Jaamacadda Maka ee dalka sucuudiga, balse wuu ka cudur-daartay. Intaa ka dib waxaa jaamacadda islaamiga ka codsaday Mufti “Muxamed Ibnu Ibraahim” oo ahaa macallinkii Sheekh Ibnu Baz inuu wax ka dhigo jaamacada islaamiga ah ee Madiina sanadki 1395-1398 Hijriyada. Waxa uu ku laabtay Dimishiq sannadkii 1400 ee Hijriyada.

Muddo yar kadib shiikha waxaa uu dareemay khatarta in uu degay Urdun, wuxuuna damcay in uu ka guuro oo uu laabto suuriya laakiin waxaa laga hor istaagay in uu maktabaddiisa u raro Dimishiq. markiiba sirdoonka Urdun waxa ay bilaabeen in ay baacsadaan, muddo kadibna waxay u musaafuriyeen Suuriya, waxana uu ku xidhnaa muddo dalka Suuriya, kadibna waxa lagu qasbay in uu deggenaado suuriya si qasab ah, kadib taladii eheladiisa,waxa uu u baxay dalka Lubnaan waxa uu muddo ku hoos noolaa nin saaxiibkiis ahaa oo la odhan jiray “Zuhayr Al-Shawish”, kadibna waxa uu ka helay codsi imaaraadka oo uu in muddo ah joogay, dadkuna ay ka codsaday Boqor Xuseen oo ahaa boqorkii Urudun markaas in shiikha cafis loo fidiyo iyo in Albaani aanu xidhiidh la lahayn kooxihii hubaysnaana wuxuuna ku noqday Urdun oo halkaas uu degaana waayadii danbe.

Waxaa ka mid ah wax yaabaha laga soo wariyo shiikha Albaani wax la odhan jiray “Soonka Albaani”, oo ahayd in uu afartan maalmood gaajoodo, isaga oo ku noolaanaya biyo keliya si uu xanuunnada qaar uga bogsoodo.

Sheekh Albaani ayaa wuxuu ku laabtay Cammaan oo uu ku geeriyooday 1999-kii Miilaadiyada. 1420 Hijriyada. Wuxuu ka mid yahay kuwa wax ikhtiraacay, oo sunnadana nooleeyay.

W/Q: XUDAYFE SHADE – 06 FEB 2024

Leave a comment