Skip links
ubadka

MUDNAANTA AKHRISKU U LEEYAHAY UBADKA

Ka hor intaan mawduucaan wayn ku dhex gayn waxaan kusii xasuusinayaa inuu jiro mashruuc guulaystay oo aan 4 caruur ah, Akhriska saaxiib ugala dhigay ……

Marka waalidku suuqyada tago oo uu soo arko dhar ama wax yaabaha ay caruurtu ku ciyaaraan, waxay jeclaystaan in ay helaan ubodkoodu waxyaabahaas si aysan u ciishoon caruurtoodu.

Xilliyada ciiddu soo dhawaato, waxa ganacsadaayasha ka baayacmushtara agabyada ubadku ku dheelaan u halhalays ah, “Yaa ubad dhalay… misana jecel?” Isaga oo ganacsadahaasi rabo in uu soo jiito dadka waalidka ah, si ay carruurtooda ugu gadaan alaabadaa. Innaguna waxa aynu  leennahay, “Yaa ubad dhalay… misana akhris la jecel?”

Akrisku waxa uu leeyahay mudnaan weyn. Mudnaantaa uma laha dadka qaangaadhka ah oo keli ah. Waa mudnaan la iska wada dhex arki karo. LOO DHAN YAHAY! Halkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa muhiimadda uu akhrisku u leeyahay ubadka wax-akhriska la baro ama loo akhriyo, uuna kala maqan yahay kuwa aan intaa samayn loona samayn. Mudnaantaa waxa aan ka maqnayn midda u soo noqonaysa waalidkii ku tabcay ilmihiisa ee akhriska ku xidhay.

  1. Xiriirka dhalaanka iyo waalidka oo xoogaysta

Cunuggu marba marka uu sii weynaado, waxa bata dhaqdhaqaaqiisa—bannaanka u baxyaa, or-orod iyo ciyaar badayayaa, deegaankiisa la falgelyaa! Waa caadadii ee ceebtii marna ma aha. Haddii aad buug iyo akhris u ballaysintid, oo aad ku baashirtid, waxa uu buuggaasi noqon doonaa silsilad aan xuriyadda ka qaadin ilmihii! Marka aad isugu timaaddaan miis aydaan cunto ku wada cunayn, aanu canaantaada ugu soo diyaargaroobayn, balse aad caqliga ku korinaysaan oo aad wax iswaydaarsanaysaa, waxa soo dhawaanaya xidhiidhkiinna.

  1. Jeclaysiintiisa.

Mid kale oo ka tirsan mudnaanaha uu akhrisku u leeyahay Carruurta raadbaradka ah iyo kuwa aan weli dugsiga gelin, waa in akhriska badani ilmaha ku tababbaro in uu hadhaw marka uu tacliinta bilaabo uu gaaroo heer wanaagsan, waxbarashadii iyo sii-kororsashadeediina uu sii jeclaysto. Ilmaha caano uun laguma canqariyo e, caqli-dhisana (buug) waa lagu canqariyaa. Xataa awooddiisa kicineed ayaa ciyaalka badanaysa. Hadhawna biyo ayaa ay uga fududaanaysaa.

Haddii ilme yari la dhibtoonayo kicinta erayada iyo iskuxidhkooda si uu weedh u soo saaro, sidee ayaa aynu uga fili karnaa in uu la jaanqaado casharrada xisaabta iyo maaddooyinka kale ah ee uu dugsiga hoose kula kulmi doono?!

  3. Hadaaqiisa.

Haddii aad cunuggii yaraa ku dul akhridid weedhaha ku dul qoran buuggan aad u soo iibisay, sawirka la socdana—haddii uu jiro—aad farta ugu fiiqdid, waxa aad siinaysaa awood uu ugu tababbarto hadlidda. Haddii uu hadalkii bilaabayna, hadliddiisa uu sii kobciyo. Innagu Soomaali ahaan waa laga yaabaa in aad waydaba wax aad ilmihii u akhrido oo af Soomaali ku qoran. Waxa aan buuyarahan ku dhex xusayaa walaalaha bilaabay in ay soo saaraan warsidaha Carruurteenna2 oo runtii ubadka Soomaalida ah anfacaya.

4: Ku-ababinta Qaab-akhrinta

Ubadku kuma dhashaan aqoon iskaga abuuran oo uu la yimid koonka, waa saamayn ka timaada deegaanka iyo dadaalada waalidka .

Waa sax marka hore waxaa adkaan doonta la qabsiga xaaladan waxaan taageerayaa dhawr arimood.

  1. ku celcelin loo la qimayo ilmaha waxa uu awoodo iyadoon natiijo dag dag ah aan laga sugayn.
  2. Sheekooyin fudud oo looga sheekeeyo kadibna lagu yiraahdo ka sheekee waxaad ka xasuusatid,ka fahantay, IWM.
  3. Guriga oo maktabado looga dhex sameeyo iyada oo awoodda la saarayo buugta leh jaantusyada,Sheekooyinka,Afka iyo suugaanta.

Waxaa jira qormooyin iyo cilmi baarisyo sheegaysa in qoraallada sida af Soomaaliga u qorma loo akhriyo bidix ilaa midig, kuwa sida af Carabiga u qormana loo akhriyo midig ilaa bidix. In aad ilmihii ku sii tababbartid in sidaasi tahay sida qumman, oo xataa sawirrada iyo erayadana aan la isku darin, waxa ay siinayaan carruurta itaal ah in ay xilli horaba la qabsadaan akhriskii ilaa heer buug, ka dib ay halkaa ugu soo xaaddiraan miraha akhriska; oo aynu qayb danbe ku xusi doonno.

  1. Anshax iyo Toosnaanta oo ay bartaan

Haddii aad sheeko uun uga sheekayso carruurta xilliga hurdada, waxa laga yaabaa in ay u arkaan wax lagu luloodo, oo lagu seexdo, dabadeedna waxa ay xidhiidh ka dhexaysiiyaan maqalka ay sheeko maqlaan iyo lulada. Waa aragtidii “Xidhiidhinta Xakamaysan – Conditional Reflex Action,” ee uu lahaa saynisyahankii Ruushanka ahaa ee Ivan Pavlov. Si taas looga baaqsado, oo ubadka loo baro in ay wax basristaan, siiba waqtiga, oo ay nidaamsadaan waxa ay haystaan, waa in akhriska la baraa. Weliba xidhiidhin looga dhexaysiiyaa asluubta nololeed ee hagaajinta waqtigu ka mid yahay iyo wax-akhriska. Waxa habkaa ku soo baxaya cunug laylsan oo tababbar u haysta sida loo ilaashado, loona basristo, muhiimmadaha waxa aad haysatid.

Buugyare ay soo saareen “RMC Research Corporation, Portsmouth, New Hampshire,” oo ay wada qoreen, Bonnie B. Armbruster,  looguna wanqalay, “A Child Become a Reader,” ayaa jira Waa cilmibaadhis ay khubaradaasi isugu tagtay. Waxa lagu soo ururiyay baarisyo aragtiyo lagala soo dhanbalan karo, ku wajahan sida ubadka looga dhigi karo kuwo akhriska ku mamta.

Waxa buugyarahaas boggiisa kowaad lagu dhex sheegay in waddada akhrisku ka bilaabanto “guriga.” Waa hadal aad u kooban misana micnihiisu sino ballaadhan yahay.

Akhrisku ma aha natiijo ka dhalata iskuulka marka la galo, balse waa astaan loo baahan yahay si iskuul loo galo!.

Waxa kale oo aan si kedis ah u akhriyay buug uu qoray fekeraa iyo qoraa reer Suuriya ah, Dr. Cabdikariin Bakaar, oo uu u bixiyay, “يقرأ طفل” – Cunug wax Akhrinaya. Waxa uu buuggani ii soo uruurshay warcelinnada aan u raadin lahaa su’aalaha keli ah ee, “Maxaa sababay in akhrisku mudnaan u yeesho ubadka? Ubadka maxaa loo abbaarayaa ee akhriska loo barayaa?”

Waxa uu digtoorku dabada ka gelayaa dhawr qodob.

  1. Lixda gu’ ee u horreeya nolosha ilmuhu waa inta waxa uu qabtaa ay awood u leeyihiin in ay go’aan ka gaaraan habaynta rabitaanka ilmaha, dhanka uu u badan doono iyo waddada uu raaci doono. Sidaas darteed ayaa jeclaysiinta ubadka ee xilligaa uu digtoorku ugu tirinayaa in ay aad u muhiim tahay. Waalidka qaar ayaa mooda in doonista akhris ee ilmuhu ay hadhaw iska dhalato, oo ay tahay wax iskeed (automatic) u dhacda; oo ay ubadkuba la soo dhashaan, waana sababta aanad u arkayn iyaga oo ciyaalkii ku dhiirrigelinaya akhrinta.

Sheeko ayaa uu soo rarayaa digtoor Bakaar. Waa oday ilmihiisii ku kharash-gareeyay sidii uu ugu iibin lahaa Baaskiiladda uu rabo, agabyada uu ku ciyaari lahaa, iyo wax ubad jecel yihiin oo dheesha sahlayaba. Yarkii waxa uu ku biiray asxaabta iyagana waxaas oo kale loo soo gado, waxaana balwad bilaw ah u noqotay daawashada shaashadaha, iyo maqnaanshaha badan. Odaygu waxa uu ballan kula geli jiray marka uu bushkileeti u iibiyaba, in uu hal buug oo da’diisa le’eg uu akhristo. Iminka waa toban iyo kow jir. Hal bogna ma uu akhrin, iska daa buug dhan e! Haddeer ayaa uu calaalacalayaa odaygii waalidka ahaa. Waa xilli xeedho iyo fandhaal kala dhaceen! Waa taas. Waa sidaa natiijadu. Inta aanay saacaddu kaa hiilin, ubadkaaga u hiili oo akhriska ku bilaw lix jirkaba. Waxa la innagu yidhi toddobo jirka ubadka salaadda ku bara, iyada oo laga tegey in ubadka loo diyaariyo in uu noqdo mid salaadda ogaal u tukanaya ee aan ku-dayasho u tukanayn. Waxa la innagu yiri toban jirka salaadda ku karbaasha. Qoraalkanna waxa uu ku leeyahay, toddoba jirkaa ama lix jirkiisaba ilmaha akhriska bar, toban jirkana isagu wax ha baro! Kollay iyo kollayba, ilme garaacis iyo maagis waxba laguma fahamsiiyo e, akhriska iyo salaadda midna ha ku karbaashin.

  1. Ilmaha lagu soo ababiyo akhrisku waxa uu leeyahay fursado badan oo loo badin karo in uu yahay mid mustaqbalka noqon doona hal-abuure maanka adeegsada. Buugta marka uu saaxiib la noqdana, baadhidda iyo hubsashadu hub ayaa ay u noqonaysaa.
  2. Ilmaha buugga iyo la-qabsigiisu waxa uu u furayaa albaab weyn oo uu ruux ahaan iyo caqli ahaanba ku kororsan karo. Noloshiisa balwad ka mid ah ayaaba uu akhrisku noqon, dabadeedna waxtar kasta oo akhris leeyahay waa uu la soo qabsan.

  1. Deraasad uu sameeyay ururka khayriga ah ee The National Literacy Trust oo ka dhisan U.K. ayaa uu ku sheegay – si ka- xumaani ka muuqato – in buugtu ay ku sii gabaabsi tahay liistada walxaha ubadku xiiseeyaan. 18 000 (toban iyo siddeed kun) oo carruur ah una dhexeeya 8 – 17 jir ayaa sahanka lagu qaaday. Lixdii cunugba mid ayaa aan buugba akhriyin bishii!Shan meeloodoow saddex meelood (59.8%) ayaa dugsiga aaggiisa ku akhrista farriimaha la isu diro (messages) bishiiba hal mar. Tani waxa ay ka soo horjeeddaa 45.8% iyagu akhriya buug male-awaal ah bisha dhan hal mar.

Wax ku dhaw saddex dalooloow dalool (35.2%) ayaa kor u qaada, soona hadal qaada, buug male-awaal-ma-ahe (nonfiction) ah. Halka kala-badh carruurtaasi ay iimayllada akhrisanayeen.

Deraasadda waxa ka muuqatay cabsi iyo dardaarwerin laga sii dardaarwerinayo in ubadka sidaa xiisahooda akhris u hooseeyaa ay mustaqbalka soo baxaan kuwo aan dan iyo deero toona ka gelin wax-akhris iyo baddiisaba, sidaana kaga qada mudnaantii akhris. “Baadhiddayadu waxa ay tusinaysaa in lixdii ciyaalaba hal ka mid ahi aanu buugga ku akhriyin bil,” ayaa uu yidhi Jonathan Douglas, oo agaasime u ah kooxda deraasadda soo saartay. “Waxa aannu ka cabsi qabnaa in inta ay sidaa ku koraan ay hadhaw ku biiraan hal ka lixeedka (1/6) qaangaadhka ah ee mar danbe la kacaa-kufa akhriska iyo qoridda.”

Maxay Deraasaddani Muhiim inoogu tahay?

Waxa kooxdu ay aad ugu talisay in werwerkaa lagu bi’in karo hal xal. Waa iyada oo waalidku kula dedaalaan ubadka in ay akhriska jeclaysiiyaan. Taladaa haddii waalidku qaato, waxa loo badinayaa oo la isku qanciyay in tibaaxda iyo dhurta sahankaas ay wax iska beddeli doonaan.

Waa halkan meesha ay iskaga soo dhacayaan qaybihii aynu kaga hadlaynay mudnaanta akhrisku u leeyahay ubadka akhriska la jeclaysiiyo, kuwa aan la jeclaysiinna uu kala maqan yahay. Qoraaga caanka ah ee Emilie Bushwald ayaa yidhi, “Ubadku waxa ay akhristayaal ku soo noqdaan dhabta waalidkood.” Waa run oo dhabta waalidku, haddiiba uu yahay waalid akhriska mudnaantiisa yaqaana, waa jaamacadda u weyn ee soo saarta ubad wanaagsan oo akhriska iyo akhlaaqdaba ka dhisan.

Deraasad kale oo isla kooxdu samaysay ayaa ay ku ogaatay in ubadka u badani jecel yihiin in ay wax ku akhriyaan agabyada danab-ku-shaqeeyayaasha (electronic) ah. Sida: Tablet, eReader, I.K.K. Wax ka yar 28% ayaa xaashiyo la xardhay (printed papers) wax ka akhriya.Tan waxa anu uga faa’idaysan karnaa in aynu iskula talino in ubadka agabyadaa danabka ku shaqeeya loogu shubo wax si ama si kale uga caawinaya in aanay ka bixin badda akhriska.

Waxaan bishii Sagaalaad sanadkii 2021 tijaabiyey arimahaan kor kusoo sheegnay, waxaan gurigeena keeney Afartan Buug oo aan ugu tala galay inaan ku sharaxo qolka Fadhiga oo ahaa halka ugu badan oo caruurtu ay ku qaataan wakhtiga ay joogaan guriga .

Dharaartii xigtay waxaan usoo galay iyadoo dhamaan caruurtii ay mashquul ku yihiin buugtii oo ay dab iyo dacal roggayaan Baalasha buugta “ Yaa iska leh buugtan?Jaamacaddi miyaa lagaa soo siiyey?, waa suaalaha ay i waydiiyeen.

Waxaan go’aansaday inaan u qaybiyo buug markaas garaadkooda la fil ahaa oo Soomaali ku qornaa, waxaan ku iri bil kusoo dhameeya waxa ay iyiraahdeen ma buugtan yar!? Warkoodii waa isoo jiiteey, waxa ay jimcihii danbe si kadis ah iigu sheegeen in ay dhameeyeen oo ay rabaan in buugta loo kala badalo.

Waxaan habeenkii u dajiyey jadwal wax akhris iyo kulamo wada gorfayn buug ah, waxaan ku heshiiney in sitimaan walba dhamaadkiisa uu qof iyaga ka mid ahi noo sharixi doono buugga uu soo dheegtay, sidoo kalana abaal marin heli doona qofka ugu soo koobid wanaagsanaada .

Haabeenka jimcaha soo galayo waxaa soo jeediya kan dhameeyey buug, oo waxa ay sidaas ku noqonaysaa buug bishii inuu dhameeyo midkiiba, walow ay ka badsadaan .

Marka aan safar galo ama aan Bandhig Buug ka qayb galo waxa koowaad oo ay iwaydiiyaan waa dhigane noo keen .

Joogtayntoodu ma ahaan karto mid buuxda, laakiin waxaa guul ah in ay garanayaan in muhiim yahay Akhrisku laguna hormaro.

Maxaan kala kulmey .

  1. Bilowga aad ayey uxiisaynayaan waxayna hayaan awood dheeri ah oo hadaan loo badalin jawiyada dhakhso ayey iskaga dayn doonaan wayna dhacday midaas 
  2. Tartan dhexdooda waa midkaan uga guulaystay caajiskii,Deegaanka oo sidii hore sii ahaada .
  3. Isticmaalka telfoonka waa kan ah midka ay ka dheegteen caruur wax akhrinaysa waxna qoraysan halkaas waa iga caawiyey telfoonku, walow uu badanyahay dhibkiisu laakiin waxaan taageerayaa in aan la xirxirin ilmaha telfoonka, Badalkeeda looba badiyo laakiin lagu hago meelaha kor u qaadaya,Hal abuurka ilmaha,xaadaaradaha,Waayeelka dhagaysigiisa,iyo barashada luuqadaha kala duwan.

Waxaan ku doodayaa sidoo kale ilmaha sanadkan nool inuu ka nasiib badanyahay jiilashii hore anoo ka eegaya..

  1. Diyaarsanaanta wax walbood doonaysid ilmahaaga inuu noqdo, oo waxaad awoodaa adoon goob waxbarasho gayn inaad albaabkaas galisid adoo, Dhagaysi,Daawasho iyo ka sheekaynta cilmigaas iskugu daraya .
  2. Wakhtigii ilmuhu ku lumin jireen dhaqankeena inaan meel fariisino ama aan xirno inaan uga faaidayno inuu ku ciyaaro waxyaabo maankiisa korinaya .

Ugu danbayn hadaad awlaad dhashay ama ay Masuuliyadaadu saamaynayso waxaad haysataa nasiibkii, aad uga dhigi lahayd mid ka hormarsan dhan walba mustaqbalka dhawna is badala dunida la jaan qaadi kara, Ha lumin fursadaas.

W/Q: Abdijabaar Farma 

Leave a comment