Skip links
muwaadin

SIDEE U NOQON KARTAA MUWAADIN WANAAGSAN

Muwaadin

Erayga muwaadin waxa uu ka soo jeedaa Waddan oo ah meesha uu qofku dego, ku nool yahay, kuna saleeyo noloshiisa iyo nolosha ubadkiisa, waxa kale oo muwaadinku mar walbe xanbaarsan yahay jacaylka wadanlkiisa meel kaste oo uu dunida ka joogo iyo si kasta uu u fogaado, maxaa yeelay wadan jacaylku waa wax ku xiran qofka jiritaankiisa iyo dareenkiisa.

Sidee loo noqon karaa muwaadinka wanaagsan

Muwaadinka dhabta ah; Waa kan leh sifada wanaagga hadal iyo ficil ba. Maqaalkan, waxaan kaga hadli doonaa side loo noqon karaa muwaadinka wanaagsan.

Lahaansho:

Muwaadinku waa in uu had iyo goor ba lahaada dareenka lahaanshaha dalka hooyo  Iyadoo la hubinayo in aan la burburin ama aan la dhicin hantida guud iyo ilaalinta nadaafadda goobaha caamka ah; Sida jardiinooyinka, waddooyinka, isbitaallada, iyo dhawridda xarumaha dawladda. Haddii muwaadinku ka shaqeeyo xarumaha dawladda ee bixiya adeegyada bulshada; waxaa laga rabaa in uu bulshada ugu adeego si hufan oo daah furan.

Ixtiraamka Shuruucda:

Ixtiraamka Shuruucda iyo Xeerarka guud ee ay dejiso Dawladdu oo ay fuliyaan muwaadiniintu; Si loo helo cadaalad bulsho, loona hubiyo in muwaadinku uu helo xaquuqdiisa, muwaadinka sida uu u leeyahay xaquuq ayaa isaga waxaa saran waajibaad ay ka mid tahay; in la ixtiraamo shuruucda la xidhiidha guriyaynta, guurka, dhaxalka, sharciyada hantida, iyo xeerarka xoriyada shakhsiga, iyada oo ay dheer tahay shuruucda la xidhiidha nabadgelyada iyo ilaalinta qaranka, muwaadinku waxaa sidoo kale laga doonaya in aan khalkhal gelin nidaamka guud ee dalka.

La xidhiidhka bulshda iso hay’adaha Dowladda

Muwaadinka waxaa laga doonayaa in uu dawr ku yeesho arimaha bulshda ee ka jira dalkiisa sida in uu mar walbe xiriir joogta la leeyahay xarumaha dawladda, iyo ururada bulshada rayidka ah.

Soo Bandhigidda wejiga Wanaagsan ee dalka:

Muwaadinka Wanaagsani waxa uu aad u jecel yahay in uu mar walbe dalkiisa u matalo si wanaagsan marka la joogo fagaaraha calaamiga ah. Qaar ka mid ah muwaadiniinta ayaa khaladaad ka gala marka ay u safrayaan meel ka baxsan dalalkooda marka ay muujin waayaan u hoggaansanaanta shuruucda waddanka ay martida u yihiin.

Muwaadinka mar walbe waxaa laga doonayaa in sumcadda dalkiisa mar walbe uu ilaaliyo dal iyo dibad ba isaga oo ka fogaanaya wax kaste oo keenaya sumcad xumo dalkiisa ah.

Ka qayb qaadashada hawlaha iskaa wax u qabso

Muwaadinku mar walbe waa in uu ka qeyb qaata hawlada iskaa wax u qabdada ah sida: dhiig ku-deeqidda, nadaafadda waddooyinka, iyo goobaha danta guud, Muwaadinku waa in is garab taagaa dowladda haddii lagu soo xadgudbo qaranimada dalkiisa sida in uu ka mid noqdo ciidamada qalabka ee u taagan difaaca dalkiisa.

Doorka qoyska ee Wadan jacaylka muwaadinka

Qoysku waxa uu door weyn ka ciyaaraa sidii ay ugu beeri lahaayeen muwaadiniinta jacaylka dalka hooyo marka ay yihiin caruurta oo nolosha bilowgeedaba hooyadu waa in ay fartaa caruurteeda in ay ilaaliyaan nadaafadda goobaha caamka ah, marka ay joogaan ama usoo baxaan goobaha caamka, kana ilaaliso in ay wax u dhimaan ama kharibaan, sidoo kale dugsiga ayaa qayb wayn ku leh arrintan. Macalinku waxa uu kor u qaadaa ardaydiisa oo uu baraa in ay ilaaliyaan nadaafadda dugsiga iyo in ay jecel yihiin in ay wax ku bartaan, maadaama dugsigu yahay meelaha ugu muhiimsan ee caruurta lagu bari karo wadan jacaylka iyo sida u noqon karo muwaadin wanaagsan.

W/T: Xudayfe SHade

Tixraac: https://mawdoo3.com/كيف_تكون_مواطناً_صالحا

 

Leave a comment