Skip links
Comfort

Sideen uga Baxaa COMFORT ZONE (AAGA RAAXADA) 

Sideen uga Baxaa COMFORT ZONE (AAGA RAAXADA) oo aan ugu guuraa (GROWTH ZONE) (AAGA KORIIMKA)

Aaga raaxada (Comfort zone) waa kalmad Psychology ah, waxaana si fudud lagu qeexi karaa goobta u Qof ku dareemi karo amni ama xasilooni (walwal iyo dhibaato la’aan).

In aad ku sugnaato aaga raaxada, waxey ka dhigantahay inaad ka fogaato isbadal nololeed iyo in aad ilaaliso caadooyinkaaga (wanaagsan ama xun) taas oo dib u dhac ku ah noloshaada.

Inta badan dadka dabeecadan leh wax hormar ah masameeyaan, cabsidooda ugu weyn waa iney la kulmaan dhibaato iyo xasilooni la’aan, sidaa awgeed waxey ilaashadaan aagooda raaxada si ey U dareemaan kalasooni.

Si aad u ogaato inaad isku ilaalineyso aagaada raaxada Tusaalooyinkan iska raadi ama inaad leedahay kuwa u dhaw:

  • Ka shageynta hal Shaqo mudo dheer adigoo ka cabsanaaya haddii aad isaga tagto inaad dhibaato la kulanto.
  • Fadhi ku dirirka macna darada ah ama xaadiritaanka meelaha la iskugu yimaado maalin waliba.
  • Yeelashada saaxiibo kooban, adigoo ka fogaanaya dadka kale.
  • Ka fogaanshaha xaaladaha adag ee nolosha.
  • Ku celcelinta ficilo isku mid ah maalmo kala duwan.

Tusaalooyinka intan kuma eka, naftaada miisaan oo ka raadi waxa culeeska u keenaya (hoosna u riixaya). Dabcan dadka intooda badan wey leeyihin caadooyin lamid ah kuwan, adigana kuwaaga soo hel.

 Sidaa awgeed waa in aan dhamaanteen ka baxnaa aageena raaxada, si aan U dhadhamino raaxada nolosha (raaxada dhabta ah waxey ku lamaanantahay dhibaatooyinka).

Ugu dambeyn, si aan u xaquijino hadafyadeena una bilawno bogag cusub oo kamid ah nolosheena waxaan u baahannahay inaan ka fogaano aaga raaxada.

Si aan uga fogaano aaga raaxada waxaan soo xulay talaabooyinka ugu fudud ee noo sahli kara hadafkeena:

  • Samee hal wax oo aad jecleyd waligaa inaad sameyso: wuxu noqon karaa wax waliba. Tusaale; bilaw wax akhris, baro lugad cusub iwm.
  • Badal caadooyinkaaga joogtada ah: caadooyinka qaar wey wanaagsanyihiin balse looma baahna inaad xadka ka bixiso joogteyntooda, sidoo kale kuwa xunna ka bixi noloshaada.
  • Kobci xirfadahaaga: isku day inaad yeelato xirfado ka baxsan kuwa aad hadda leedahay, tani waxey kaa caawineysaa inaad la kulanto dad cusub iyo inaad hesho khibrad cusub.
  • Dooro cabsi aad leedahay, kadilna wajah: waxaa jiro waxyaabo badan oo aad ka cabsato inaad sameyso, marka hore soo hel cabsidaada kadibna isku day inaad burburiso. Tusaale: haddii aad ka cabsato fagaara ka hadalka isku day inaad wajahdo oo aad ka mira dhaliso sidii aad u baran laheyd xirfadaas.
  • Isku day inaad safarto ama aad tagto goobo ka duwan kuwii aad tagaanay: tani waxey kaa fogeyneysaa aaga raaxada iyadoo kuu horseedi karta nolol cusub.
  • Jimics samee: isku day inaad maalin waliba hesho jimicsi ugu yaraan 30 daqigo ah. Jimicsiga wuxU nogon karaa nooc waliba orod, socod ama inaad gym-ka aado.

Waxyaaba horseeda inaad ka guul gaartid waxaad niyadda ku haysid waxaa kow ka ah inaad wax cusub wajahdid ee u samir oo isbadalka soo dhawee.

Waxaa aad kuu anfici doona Qaacidada la yiraahdo R21 oo sheegaya qofku waxa uu iska daayo 21 casho/bari oo xariir ah inuu ilaawo, sidoo kale waxa uu sameeyo si joogta waxa ay qofka ka mid noqotaa caadooyinkiisa.

Mahadsanid halkan hadaa soo gaartay.

W/Q: Abduljabaar Farma

Leave a comment

  1. Mahadsanid bowe runtii hadal saxa ka hadashay