Skip links
FALSAFADDA ISLAAMKA

SADDEX MUFAKIR OO MUSLIM AH EE QAABEEYAY FALSAFADDA ISLAAMKA

Al-Kindi, Al-Farabi iyo Ibnu Sina waa kuwo si wayn loogu tixgeliyo in ay yihiin saddexda filasoof ee ugu muhiimsan falsafadda Caqiidada Islaamka.

Falsafadda Islaamka ayaa wali ah mid si liidata loo deraasay, inkasta oo ay jiraan waxyaalo badan oo muhiim ah oo ay isaga mid yihiin, xidhiidh iyo qodobbo dood-xaqiiqeed ahna ay wadaagaan falsafadda reer Galbeedka. Maqaalkan waxa uu isku dayayaa in uu hordhac ka bixiyo falsafadda Islaamka isagoo guudmar ku samaynaya waxsoosaarkii aqooneed ee saddexda ugu muhiimsan filasoofyada Islaamka marka la fiirinayo FALSAFADDA ISLAAMKA oo kala ah: Al-Kindi, Al-Farabi iyo Ibnu Sina.

1. Al-Kindi

Abuu Yuusuf Yac’quub ibnu Isxaaq al-Kindi waxa uu ahaa filasoofkii ugu muhiimsanaa ee ugu horreeyay falsafadaynta caqiidada Islaamka. Waxa uu udub-dhexaad u ahaa waxa aynnu maanta u naqaan “xerta Kindi” waa magacii loo bixiyey koox turjumaanno ah (oo u badan Siiriyaan Masiixiyiin ah) kuwaas oo tunka u ritay in ay afka Carabiga ah u soo turjumaan waxsoosaarkii aqooneed ee ugu muhiimsanaa falsafadda Giriiga, gaar ahaan waxsoosaarkii Aristo.

Al-Kindi, qiyaastii waxa uu noolaa 800-870CD, isagoo mar ahaa shakhsi foolaad u ah maxkamadii khaliif al-Muctasim, xataa waxa loo dhiibay masuuliyaddii waxbaridda wiilka khaliifku uu dhalay. Waxsoosaarkiisii falsafadeed ee ugu waynaa waxa uu ahaa qoraallo hormooyin ah oo la yidhaahdo “Falsafaddii koobaad” (On First Philosophy), oo laga hayo qaybteeda hore oo qudha. Qaybtani waxa ay leedahay afar waaxood; ta hore, waxa ay sheegaysaa in ay jirto talo ku aadan in la maamuuso oo laga durduurto aqoontii falsafadda Giriigga. Tan labaad, waa doodda ku saabsan waaridda adduunka (lagayaabaa in ay ahayd doodda ugu badan ee al-Kindi). Qaybta saddexaad iyo afraad, waxa ay ka hadlaysaa doodaha jiritaanka Eebbe iyo in uu Eebbe ka ballaadhan yahay fahanka aadanaha lana qiyaasi karin (the ineffability of God).

Daraasadda al-Kindi ee metafiisikisku waxa ay si dhaw u la xidhiidhay fahankiisa Eebbe, iyo dedaalladiisii uu ku fasirayay waxyiga isagoo u dhigayay qaab aad u maangal ah oo falsafadaysan.

Al-Kindi waxa uu aaminsanaa in ay jiraalka iyo dhabnimadu isku dhafan yihiin ilaa heer ay ku doodaan in ay isku mid yihiin, taas oo ka dhigan “wax kasta oo jiraal leh ama jira waxa uu leeyahay dhabnimo” oo aanay labadaasi kala jirin wax u dhexeeyana jirin. Waxa uuna qabay in uu Eebbe yahay isha dhabnimada oo idil, sidaa darteed waa in la yidhaahdo Eebbe ayaa sabab u ah jiraalka oo dhan.

Dulucda fekradda uu uga hadlayay qoraalka “Falsafaddii Koobaad” waxa ay ku soo ururaysaa in ay jirto keli ahaansho (oneness). Al-Kindi waxa uu ku doodayaa in sababta koowaad ee jiraalku sida oo kale ay noqonayso sababta koowaad ee keli ahaanshaha, taas oo ku salaysan in samaynta ahaanshaha shay, ay dhab ahaan tahay ku-aasaasidda “wax” meel aanu horay uga jirin.

Qaybta saddexaad ee qoraalka Falsafaddii Koobaad waxa ay si ballaadhan uga kooban tahay dedaal lagu caddaynayo in aanu shayna sabab u noqon karin jiraalkiisa, ama aanu noqon karin sababta asalnimadiisa. Al-Kindi waxa uu dedaal ku bixiyay sidii uu xaqiiqada uga sheegi lahaa arrintan isaga oo baadhis ku samaynaya noocyada kala geddisan ee “alfaadda” (utterances) waxa uuna abla-ablayn ku sameeyey culuumta fikriga ah [ulum al-ma’qul] (intaasi waa qeexitaannadii laga bixiyay qodobbo gaar ahaa).

Al-Kindi waxa uu ku doodaa wax kasta oo la qeexayo in uu leeyahay wax asal ah oo midaynaya (unity) iyo farac kala duwaya (disunity). Tusaalaha inta badan la soo xigto waxa ka mid ah, aragtida la xidhiidha “xayawaanka” oo ku saabsan in uu xayawaanku leeyahay hal duul (genus) oo ay laakiin ku jiraan sinjiyo (species) fara badan.

Al-Kindi waxa uu leeyahay sharraxaad uu u sameeyay asalka iyo faraca waxyaalaha oo dhan, taasi oo sheegaysa in uu jiro abuure hore oo ka madax bannaan. Abuurahan hore ma jiro wax qiyaasi kara —lagu mana sifayn karo hab walba oo iska hor imanaya. Abuuraha hore waa keli khaas ah oo aan lahayn farac, kaas oo ah isha faraca iyo asalka adduunka (tani waxa ay sheegaysaa in waxkastaa ay ka imaanayaan abuuraha hore, sidaa darteedna ay asal u yeelanayaan).

Runtan ayaa ah isha makhluuqa iyo asalnimadaba. Tani waxa ay sheegaysaa in uu al-Kindi hirgelinayay ama caddaynayey in uu Eebbe yahay abuuraha waxkasta oo caalamka jira (isaga oo saxaya kelmadihii Aritotalaysnaa). Abuuraha ayaa ah kan keena isbeddelka shay kasta, marka loo eegayo tusaalanyta shayga, abuuraha ayaa ah kan siinaya sababta jiritaanka. Halka uu Aristo sheegayay, tusaale ahaan, in uu sameeyaha illmuhu uu yahay waalidka.

Al-Kindi ma ahayn kaliya filasoofkii ugu horreeyay ee falsafadda caqiidada Islaamka, balse waxa uu ahaa shakhsi afkaarihii aqooneed ee laga dhaxlay — gaar ahaan baaqi-ku-yeelashadiisii Aristo (maadaama uu afkaaraha Aristo u sharraxay caalamka Islaamka) —ay caddayn u tahay in ay aad u saameeyeen filasoofyadii ka dambeeyey.

2. Al-Farabi

Abuu Naasir al-Faraabi degaanka uu ku dhashay oo aan sugnayn ayaa siyaabo kala duwanna loogu tilmaamay in uu ka soo jeedo Turkida ama Beershiyaanka. Balse dhab ahaantii, fikradihiisa soo jireenka ahi waa sidii oo uu Turki yahay oo way turkiyaysan yihiin, iyadoo loo eegayo hal-ku-dhegga soo jireenka ahaa waxa uu sheegayaa in falsafadda Islaamku ay lahayd saddex mufakiriin oo waawayn —mid waa al-Kindi oo ka soo jeeda Carab, midna waa al-Faraabi oo ah Turki, ka kalena waa Ibnu Sina oo Beershiyaan ah.

Hayeeshee, waxa aynnu ognahay ayaa ah in al-Farabi uu wakhti badan ku qaatay Baqdaad isla markaana uu si wanaagsan u yaqaannay aqoonyahannadii Masiixiga ee Suuriyaanka ahaa, sidii uu al-Kindiba u yaqaannay.

Hordhaca qoraalladii Aristootal ee cilmiga suuratagalnimada ayaa ahaa ilihii ugu waawaynaa ee doodaha indheergaradka Islaamka qarnigii 9aad ilaa 10aad, kaddib markii ay noqdeen waxsoosaarkaasi kuwo lagu heli karo afka Carabida. Al-Faraabi waxa uu adeegsan jiray cilmiga suurtagalnimada si uu falanqeyn ugu sameeyo jaadadka doodaha ah ee dhinacyada kale ee daraasaynta aqoonta (sida fiqhiga iyo caqiidada).

Buuggiisa “The Short Treatise on Reasoning in the Way of the Ancients,” al-Faraabi waxa uu ku soo bandhigayaa gogoldhig nidaamsan oo ku saabsan baaritaanka maangalka ah ee maxsuulka cawaaqibta oo ay u adeegsadaan doodaha ay sameeyaan sharciyaqaannadu. Taasi oo sheegaysa in uu maangal-nimaynta (syllogism) ku dabbaqay dooda sharci-yaqaannada —taas oo ahayd sumadda jaadgoonida ah ee falanqaynta mandiqa ee Aristo— wuxuuna ku balaadhiyay wax ka baxsan xayndaabka mandiqa laftiisa. Maangalnimadu waa habab wax lagu sababaynayo oo ka kooban tiro/labo doodood oo caddaymo lagu aqbali karo wata iyo gebagebadii xoojin lahayd.

Isku-xidhkii waxsoosaarka Aristo ee al-Farabi

Al-Farabi waxa uu dedaal geliyay sidii uu isugu xidhi lahaa waxsoosaarkii Aristo oo u muuqda kuwo aad u kala daadsan. Waxa ugu muhiimsanaa habkii uu al-Farabi isugu dayay si uu suurtagalnimada, naxwaha iyo luuqadda midba midka kale ugu xidho. Waxa uu qabaa in suurtagalnimadu u dhiganto naxwaha, taas oo ah xidhiidhka ka dhexeeya maalgalnimada iyo fahanka caqligalku in ay la mid tahay ama ay u dhiganto midda ka dhaxaysa afka iyo tibaaxihiisa.

Erayga “fahanka caqligalka” (intelligible) waa erey Aristotaleed gaar ah, oo sheegay fekrad ama mabda’ caalami ah oo lagu fahmi karo waxyaabo gaar ah. Fahanka caqligalka ee Aristo ayaa u kala baxa laba qaybood: kan hore waa fahanka caqligalka dadban (passive intellect), waa midka lagu fahmo qaabka walxahu yihiin, taas oo loo arki karo halka ay ku jiraan daruuriyaadka cilmigu, fahanka caqligalka muuqda (active intellect), kaas oo ka soo qaadanaya xogta maxsuulkii caqligalka dadban si loogu abuuro aqoon dhab ah.

Xeer kasta oo inoo sheegaya sida aynnu u isticmaalaynno ereyada af leeyahay, kaas oo aynu ka keennay naxwaha waxa uu leeyahay xeer la mid ah sida loo sababayn karo fahanka caqligalka, waana waxa uu sayniska suurtagalnimadu ina siinayso. Sidaa awgeed, qeexitaanka mawduuca maangalnimadu waa cad yahay: waana sidii xeerar loogu samayn lahaa fahanka caqligalka, kuwaas oo lagu tilmaami karo ereyada afka maalinlaha ah.

3. Ibnu Sina: Kadib Aflaadoon iyo Aristo

Ibnu Sina waxa uu ahaa filasoofar ku dhashay meesha maanta loo yaqaan Usbeekistan taas oo ka fog Leefanti iyo dhulka carabta (Carabiya) oo ahaa dhulkii xuddunta u ahaa falsafadda Islaamka ilaa waagaa. Sida muuqata, tani carqalad wayn kuma ahayn. Dhab ahaanna, waxaaba la odhan karaa in ay ahayd ka-caagganaantii Ibnu Sina ee in uu qaato xeerarka loo dejiyay cilmibaadhis falsafadeed oo lagu sameeyay dhul kale, ay waxsoosaarkiisii aqooneed ka dhigtay mid gooni u la istaagsan asalnimadeedii oo noqota dhaxal falsafadeed oo waara.

Marka la qeexayo metafiisikiska ama falsafaddii ugu horreysay ee al-Kindi (first philosophy), al-Kindi waxa uu ku sharraxay “in ay jirto dhabnimo gaara, taas oo ah isha sababaysa dhammaan dhabnimooyinka kale” iyadoo lagu faahfaahinayo habkii ay dejiyeen dugsigii Aflaadoon (Neoplatonist). Al-Farabi doorkiisa, waxa uu diiradda ku saaray saddexda waaxood ee metafiisikiska: daraasaynta jiraalka si guud (ontology), mabaadi’da maangalnimada (logic), iyo caqiidada dabiicadda (natural theology). Halka uu Ibnu Sina ahaa filasoofkii ugu horreeyay ee ka gudbay daraasaynta jiraalka (stuying beings) —oo ah wax-iska-wayddiinta jiritaanka shay khaas ah sida xayawaanka, aadanaha, dhirta, iqk — isaga oo u gudbay daraasaynta jiritaanka qudhiisa (studying being) —oo ah muxuu yahayba jiritaan? — taas oo ballaadhinaysa seeskii ay dhigeen Aflaadoon iyo Aristo oo diiradadda lagu saarayo jiraalka qudhiisa oo noqonaya mawduuc kale oo metafiikiska ah.

Innagoo raacayna Soheil Afnan, waxa aan fiirinnaa kala duwanaanshaha oo ah inuu asaaska metafiisikiska ee Aflaadoon ahaa aragtida fekerka (Ideas), halka Aristo, ay ahayd aragtida suurtagalnimada (potentiality), Ibnu Sina, isna waxa uu ka dhigay xudunta metafiisikiska daraasaynta jiraalka qudhiisa.

Hayeeshee Ibnu Sina waa uu xiisanayey oo uu kala mid ahaa, sida filasoofyo badan oo casriganba ay xudunta wayddiimahooda falsafaddu u tahay wax-iska-wayddiinta jiraalka laftiisa. Lagayaabee in ay taasi ahayd sababta uu Ibnu Sina u arkay falsafaddu in ay tahay weydiin miidhan, oo ay tahay xalka wayddiimaha, oo ay tahay kala-saafidda jah-wareerka: qaybta uu aadka u xiisaynayayna [jiraalka] ma ahayn mid si dhib yar loo heli karo si loo daraaseeyo.

Waxa laga yaabaa in Ibnu Sina hadiyaddii ugu waynayd ee uu uga tegay kuwii isaga ka dambeeyay ay ahayd fikradda tiraahda, falsafadu waa baadhitaanka weydiimo xalkooda ku habboon aan si sahlan loo heli karin, iyo in ay ahayd guul xataa in la is weydiiyo weydiin toolmoon.

W/Q: Luke Dunne
W/T: Madasha Hoobaan

Lifaaqa asalka qoraalka: https://www.thecollector.com/islamic-philosophers/

Leave a comment