Skip links
Diimaha

TIIRARKA IFAFAALAHA DIIMEED

Tiirarka ugu yar ee ifafaale kasta oo diimeed looga baahan yahay waa: Caqiido, Cibaado, iyo Qiso kowni ah. Firaas As-Sawaax iyo Calmaaniyiinta kaleba waxa ay rabaan in diinta ku koobaan saddexdan tiir oo keliya, mana rabaan in diintu door ku yeelato anshaxa, xeerarka, iyo siyaasadda. Laakiin, koobnaantan haddii ay ku suurogelayso diimaha qaarkood, diinta Islaamka laguma dabbaqi karo. Diimaha qaar ayaa tiirar intan ka badan kulansada, sida Kiristanka oo ka kooban: caqiido, cibaado, qiso kowni ah, iyo anshax. Islaamku isaga oo kulansaday intaas hore, haddana waxaa u dheer inuu leeyahay xeerar, nidaam bulsho, mid siyaasadeed iyo mid dhaqaale ba. Waa diin xantoobsanaysa dhammaan dhinacyada nolosha, sida Eebbe yidhi: “waxba kagama aanan tegin kitaabka/ما فّرطنا في الكتاب من شيء”. Qur’aankana waxa la inoogu soo dejiyay si uu wax walba inoogu caddeeyo, lana heli maayo doc ka mid ah dhinacyada nolosha oo Islaamku aanu wax ka odhan.
 
Tiirka koowaad ee ifafaalaha diintu ka kooban yahay waa “CAQIIDO/RUMEYSAD”, sida uu Firaas As-Sawaax ku qeexayna waa “tiro fikrado ah oo la xidhiidha waxyaabaha xurmada leh/muqaddaska ah.” Caqiidadu waa habka ugu horreeya ee wadar ahaan diinta loogu muujiy. Diintu waxa ay ku bilaabantaa rumaysi (iimaan) heer qofeed ah, kolka se ay is urursadaan dadyow hal rumaysad (iimaan) leh, caqiido ayay noqotaa. Dadkaasina waxa ay bilaabaan in ay iska soocaan bulshooyinka kale ee aadanaha.
 
Waxa jira maandhaaf u dhaxeeya aqoonyahannada diimeed oo ah: diintu marka hore ma qanaaco caqli oo dareenku kabaa? Mise waa dareen caadifadeed oo dabadeed maanku la ashqaraaro?
 
Aragtida Islaamku waxa ay waafaqsan tahay, in dinntu kolka hore tahay qanaaco caqli ah, balse qanaacadaasi ay u baahna tahay falgal dareen iyo baraarug oo joogta ah, kol walba oo qofka diinta lihi badsado cibaadada, qanaacadiisa caqliyeed ayaa biiraysa, ilaa aragtiyihiisu ay xulaan dhiigga iyo dhuuxa. Tani waa fikradda ah (Iimaanku wuu kordhaa, waana nusqaamaa). Korodhka Iimaanku kama dhigna qanaacada oo biirtay, sidoo kalena nuqsaamidda iimaanku kama dhigna qanaacadii oo hoos-udhacday. Baddelkeed se, korodhka iimaanku waa dareenka iyo baraaruga sida joogtada ah ula falgalaya qanaacada caqliga oo bata, halka nuqsaanta iimaankuna noqonayso engegayga dareen iyo baraarug la’aanta lagaga sugnaado caqiidada diimeed.
 
Tiirka labaad waa CIBAADADA, oo ah maxsuulka rumeysadka, isla isaga ayayna xoojisa. Sidaan soo sheegnay, cibaadadu waxa ay kobcisaa maangalnimada rumeysadka, iyada oo dareen ahaanna u kordhinaysa. Kol kasta oo cibaadadu badato, qanaacadu cirka ayay isku sii shareertaa, waana waxa aynu IXSAAN u naqaano, sida uu xadiiska Suubanuhu (SCW) ahaa “In aad Eebbe u caabuddo sidii adiga oo arkaya”. Ruuxa Ixsaanlowga ah, qanaacada caqliga ah waxa uu uga gudbay dhugasho toos ah oo kale.
 
Labada Hab ee Cibaadada
Habka joogtada ah: waa cibaadooyinka leh goor xaddidan, iyo qaab gooni ah oo loo guto, sida shanta salaadood ee Islaamka, soonka bisha Ramadaan, soonka maalmaha Caashuura iyo Carafada.
 
Habka xorta ah: waa cibaadooyinka iska furan ee aan lahayn goor xaddidan, sida xuska Eebbe. Suufigu wuxuu u janjeedhaa habka cibaadada xorta ah, fuqahaduna caqliyaddooda sharciga ah awgeed, waxa ay u janjeedhaan habka cibaadada joogtada ah ee habaysan.
 
Tiirka saddexaad waa Qiso kowni ah. Taas oo loola jeedo sheeko sidata waxyi, iyo caddaymo soo jireen ah oo sharraxaysa asalka jiraalka, yoolka nolosha iyo aayihiisaba. Sheekadani waa mid aad muhiim u ah, waayo diintuba waa raadinta ujeedka jiraalka iyo nolosha.
 
Had iyo goor Calmaaniyiintu waxay u heelan yihiin in ay diinta ku seeteeyaan saddexdaas tiir oo keliya, waxa ayna ku baaqayaan in diintu ayna farogashan anshaxooda, xeerarka, siyaasadaha, iyo arrimaha danta guudba. Hase ahaatee, habfikirkan Calmaanigu waa mid jahawareersan. Kolka hore, habfikirkan waxa uu qofka u kala dhanbalayaa labo qaybood oo aan islahayn; qayb ka haybaysata diinta, iyo qayb aan shuqul iyo shaqaba ku lahayn diinta. Taas oo gef ah; maxaa yeelay waxa ay qofka ka dhigaysaa mid ku nool labowajiilannimo. Qofkaasi waxa uu ku soo durraaman Masjidka ama kaniisadda, kolka uu ka soo baxana waxa uu rabo ayuu samayn! Sida iyada oo Eebbihii uu caabudayay [haddeer] uuna jooginba bannaanka gidaaradan iska soo horjeeda.
 
Calmaaniyiinta Carabtu, marka ay isku deyayaan in ay diinta ku koobaan caqiido, cibaado, iyo qiso kowni ah, waxay ka anbaqaadayaan mala-awaallo maldahan oo reer galbeedku ku qeexeen diinta iyo dabeecadaheeda. Waxayna doonayaan in ay uunka u qaybiyaan in xurmad leh, iyo in bilaa xurmo ah. Halka Islaamku uuna sidaa oggolayn, ee uu rabo in uunka uu hoosgeeyo maamulka Eebbe. Calmaaniyiintaasi waxa ay naafaynayaan hawlihii bulsho ee diinta, kolka ay diidan yihiin in xeerarka/shuruucda laga soo dheegto diinta. Waxa ayna gelayaan gef taariikheed weyn marka ay sooyaal xeereedka Islaamka uga qiyas qaadanayaan sooyaal xeereedka reer galbeedka. Dhammaan bulshooyinka galbeedku waxa ay weligood iyo waaqood isku maamulayeen xeerarkii Roomaanka, iskumana ay maamuli jirin xeer Masiixi ah; sababta oo ah maba jirin xeer Masiixiyaddu leedahay. Nebi Ciise (CS) lama iman wax xeer ah, keliya waxa uu la yimid caqiido, cibaado, qiso kowni ah iyo anshax (akhlaaq). Calmaaniyiintu waxa ay ku dabeebanayaan “si ay ahaataba waa in aynu ka gudubno xeerarka diinta, sida galbeedkuba uga gudbay/tegay!” Laakiin waxaysan dhaadin in galbeedku aanu ka gudbin shuruucdii diinta, waayo weligoodba ma yeelan sharci diimeed. Sidaa darted waxaan leenahay, quud aan jirin baad qoryo u gurateen.
 
W/Q: Maxammad Mukhtaar Al-Shinqiidi
W/T: Madasha Hoobaan
Tixraaca: Buugga “البحث عن دين الفطرة”, bogga 7-9

Leave a comment