Skip links
Taariikhda Soomaalida

BAR-BILOWGA TAARIIKHDA CUSUB EE SOOMAALIDA (1884 – 2013)

Sooyaalka cusub ee Taariikhda Soomaalidu wuxuu la kowsaday weerarradii awoodihii gumeystaha ee kala duwanaa oo ku wajahnaa gobolka Bariga Afrika oo leh muhiimad gaar ah oo istaraatiijiyadeed, xilligaas oo ay qabiilladda Soomaalidu ay lahaayeen saldanooyin iyo dowlado ku kala firiqsan degaanno kala duwan. Waa markii la jebiyay qarnigii 17aad dowladihii waaweynaa sida Saldanadda Ajuuraan ee Koonfurta ka jirtay, iyo Saldanooyinkii Adal ee Waqooyiga, dowladahaas oo dusha saartay fidinta diinta Islaamka, iyo difaaca dhulka muslimiinta, gaar ahaan weerarradii kaga imanayey Burtuqiiska, Oromada iyo Axmaaradii buurleyda.

Intii lagu guda jiray qarnigii 18aad iyo kii 19aad, bulshada Soomaaliyeed waxay u kala qaybsantay saldanooyin yaryar, waxaa lasoo dersay tabardarro, waxaana soo ifbaxay gumeystayaashii reer Yurub, iyo kuwii Afrika oo u kala qaybiyay shacabkii midaysnaa dhaqan ahaan gobollo ay kala maamulayaan shan awoodood oo kala tagsan, islamarkaana dowlado shisheeye hoostaga.

Taasi waxay ka dhigan tahay isbeddelkii ugu horreeyay ee taariikhda casriga ah ee Soomaalida, waxaana ku xigay 13 isbeddel oo kale, tobankii sanona waxay ahayd barkulan cusub. Jaantuuska hoose ayaana muujinaya isbeddellada waaweyn ee taariikhiga ah ee Soomaaliya ka dhacay tan iyo 1884kii.

Isbeddeladii Taariikhda Casriga ah ee Soomaalida (1884 – 2013) —

  • 1884 – Waxaa dhacay shirkii Baarliin oo ay awoodihii reer Yurub ku heshiiyeen sida ay u kala qaybsanayaan Afrika, iyo inta dowlad walba ay maamuli doonto. Laga soo bilaabo shirkaas, Soomaaliya waxay u qaybsantay shan qaybood, afar kamid ah waxaa qaatay awoodihii Reer Yurub (Talyaani, Ingiriis, iyo Faransiis), halka Itoobiya loo gacan geliyay qaybta saddexaad ee dhulka Soomaalida.
  • 1920 – Jabkii Dhaqdhaqaaqii Daraawiishta 1920-aadkii, kaas oo ka dhacay maxmiyaddii Somalilaan oo ay jebiyeen ciidankii cirka ee boqortooyadii Ingiriiska, iyo maamulkii faashiistaha ahaa ee Talyaaniga oo la wareegay koonfurta Soomaaliya, oo ay ku jiraan saldanaddii madaxabannaanayd ee Majeerteen 1927kii. Xilligaasi wuxuu noqoday bilowgii isballaarinta awoodihii gumeystaha kadib markay si dhammaystiran gacanta ugu dhigeen dhulkii Soomaalida, islamarkaana uu gabbalkoodu dhacay hoggaan-dhaqameedkii madaxa bannaanaa.
  • 1941 – Guuldarradii kasoo gaartay Talyaaniga geeska Afrika dagaalkii labaad ee adduunka iyo la wareegiddii dhammaan dhulka Soomaalida ee maamulkii milliteriga ahaa ee Ingiriiska marka laga reebo Jabuuti. Muddadaas maamulka millateriga Ingiriiska, waxaa isbeddelay guud ahaan hannaankii maamulka kadib markii ay meesha ka baxday awooddii gumayste ee hore.
  • 1943 – Waxaa la aasaasay dhaqdhaqaaqii ugu horreeyay ee waddaniga ahaa, gadaalna isu-beddelay xisbigii ugu horreeyay ee waddaniga ahaa Leego (SYL). Leego waa xisbigii xukumayay Soomaaliya ilaa ciidanku uu 1969kii taladii ka fara maroojiyey.
  • 1950 – Talyaaniga ayaa dib ugu soo laabtay caynaan u haynta dhulkii Soomaaliyeed oo uu horay uga talinayey (Somali Italiano). Isaga oo markaa dambe ku yimid heshiiskii Qaramada Midoobay ee Soomaalida loogu diyaarinayay inay xornimo gaaraan 1960-kii.
  • 1960 – Soomaaliya waxay noqotay dowlad madaxbannaan, labadii qalbac ee Talyaaniga iyo Ingiriisku ay kala gumeysanayeen ayaana ku midoobay alkumidda jamhuuriyaddii Soomaaliya. Dalkuna wuxuu helay khibrad dimuqraadiyadeed oo sagaal sano jirsatay.
  • 1969 – Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa la wareegay talada dalka, dalkuna wuxuu galay marxaladdii kelitalisnimada ciidan, oo ay u dheerayd hantiwadaag. Hannaankaas oo ugu dambayn cawaray maamul-hayagaashii soo-jireenka ahaa: qabiilka iyo diinta.
  • 1972 – Golihii sare ee kacaanku waxay sameeyeen farta laatiinka oo ah xarfaha rasmiga ah ee afka Soomaaliga. Arrintani waxay ahayd kacdoon dhaqameed oo raadayn weyn oo togan ku lahaa Soomaaliya.
  • 1978 – Soomaaliya waxaa lagu jebiyay dagaalkii ay la gashay Itoobiya, oo ay weheliyaan xulufadeedii xilligaas. Si kastaba ha ahaatee, Maraykanka iyo Midowgii Soofyeeti waxay beddeleen isbahaysiyadoodi, iyada oo Maraykanku uu xulufo la noqday Soomaaliya, halka Sooofiyeetina uu la bahoobay Itoobiya.
  • 1991 – Waxaa si buuxda u burburtay dowladdii Soomaaliya, waxaa qarxay dagaal sokeeye oo dhiig ku daatay, qaskii ayaana dalkii wada gaaray. Aafooyinkii dhacay waxay lama huraan ka dhigeen faragelinta beesha caalamka, iyada oo 1992kii ay soo galeen dalka xoogaggii dhinacayada badnaa ee hawlgalka Qarammada Midoobay ee Soomaaliya (UNOSOM), si looga hortago halaag iyo masiibo aadane oo daran.
  • 1991 – Soomaalidii Ingiriiska ka xorowday ayaa talo keligood ka timid darteed ugu dhawaaqay inay ka go’een jamhuuriyaddii Soomaaliyeed oo ay tush ka tiri wixii ay xornimadii kadib ku darsatay koonfurta, balse ma jirto dowlad aqoonsan ilaa maanta goosashadooda. Golaha Amniguna kama daalin in uu ku xuso bayaannada sannadlaha ah adkaynta midnimada dhulka Soomaaliyeed, gobannimadiisa iyo xornimadiisa.
  • 2000 – Toban sano oo ay socdeen shirarkii nabadaynta iyo heshiisiinta ahaa ee dagaal-oogayaashu ay garwadeenka ka ahaayeenk kadib guuldarro ayey ku soo idlaadeen. Waxaa ka dhacay Jabuuti shir ay caynaankiisa hayeen bulshada rayidka ah. Shirkaas waxaa ka soo baxay yagleelidda jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya. Jamhuuriyaddii 1-aad waxay ahayd middii rayidka ahayd, halka middii 2-aad ay ahayd tii millateriga. Shirkaas waxaa si rasmi ah la isula qaatay hirgelinta xeerkii awood-qaybsiga ee loo bixiyay 4.5, kaas oo ay ku heshiiyeen dhinacyadii siyaasadeed ee ku kulmay shirkii Soodare (Itoobiya) ka dhacay 1996/1997-dii.
  • 2012/2013 – Burburkii Soomaaliya kadib, markii koowaad hannaankii doorashada Soomaaliya wuxuu ka dhacay Muqdisho
  • 2012-kii. Beesha caalamkuna waxay aqoonsatay dowladnimada Soomaaliyeed ku-meel-gaarnimadii inay ka baxday, taasoo noqotay cutub cusub oo kusoo biiray taariikhda Soomaaliya.
  • 2017 – Waxaa la hirgeliyay hannaankii cusbaa ee doorashada, waxaana lagu doortay madaxwayne cusub. Awooddiina waxaa lagula kala wareegay si nabdoon, Soomaaliyana waxay qaadday sida muuqata dhabbihii dimuqraadiyadda oo lid ku ah dhammaan wixii khilaafsan.

W/Q: Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi – Baadiyow; Buugga “Iftiiminta Taariikhda Soomaalida, hormada 2aad/ Making Sense of Somali History, volume two”

W/T: Madasha Hoobaan

Leave a comment