Skip links

Shan sababood oo hoggaamiyeyaashu u guuldarraystaan

Hoggaamintu waa shey adag. Maanta adduunyada aan cagaha adag ku taagnayn, cadaadiska in howl la qabto lana fuliyo mar uu ka weynaa ma jirto. Ka shakinta awoodda wax-qabasho ayaa ragaadisa, taas ayaa hoggaamiyaha ku sababta inuu isweydiiyo inuu leeyahay iyo in-kale sifooyinkii loo baahnaa si wax loo hoggaamiyo.

Aniga ahaan, hoggaaminta waxaan u arkaa in in-yari ay saynis tahay, laakiin inta badan tahay fan. Liiska sifooyinka hoggaamiyaha looga baahan yahay inuu yeesho waa mid dheer, haddana qof kasta gooni u ah. Hiraalka, habka xirriirinta, damqashada, ogaal-qofeedka markii lagu daro waayo-aragnimada, shaqsiyada qofka, iyo qabkiisa. Waxyaabahaas oo lagu isku daray yaa ka dhiga hayaanka hoggaamiyaha mid isaga u gaar ah. Hoggaamiye kasta oo guul gaara, waxaa jira daraasiin [qayrkii ah oo] guuldarraystay.

Cilmibaarisyo badan ayaa lafagura sababaha hoggaamiyeyaashu u guuldarraystaan. Waxyaabaha lagu oggaaday cilmibaarisyadaa badankood waa kuwo adag faham ahaan. Inaad wax kala soo baxdo guuldarrooyin aad u tira badan waa wax adag, oo qofka ka dhigta mid amakaagsan oo fahmi waaya waxa socda.

Anigoo mansab madaxtinimo hayey shan iyo toban sano, waxaan ka fogaaday guuldarrooyin masiibo ahaa, waxaanna goog-joog u ahaa kuwo yar oo dhacay. Waxaan shaqaalaysiiyey dad madax ah oo aan aaminsanaa inay guuleysanayaan, si ay iiga caawiyaan inay shirkadda sare iigula qaadan, si aan keliya u daawado iyagoo halgamaya, inkiraaya eedaynaya, kadibna si xun u guuldarraysan. Sannadahaas gunaaanad ii gaar ah yaa iiga soo baxay sababaha hoggaamiyeyaashu ay u guuldarraystaan, iyo waxyaabaha lagula tacaali karo guuldarrooyinkaas.

1. Waxaa ka maqan sifooyinka hoggaaminta nafta

Dhowr sano kadib markii aan koleejka dhammeeyey, waxaan ahaa mid lunsan. Fikradna kama haysan waxaan noloshayda fali lahaa. Waxaan ahaa bilaa jiho, qaadashada go’aamo khaldan iyo inaan raadiyo jid iyo jiho.

Maalin gaar ah oo xaalku aad iigu adkaa ayaan wacay saaxiibkay anigoo ooyaya. Anigoo u sheegay dareenkayga shaqada aan dhiirrigelinta lahayn iyo khaladaadka nololeed ee aan samaynaayay. Markii aan dareen ahaan burqaday, ayuu saaxiibkay i yiri, “waad saxan tahay; noloshaada wax weyn ayaa ka khaldan, maxaad samaynaysaa si aad khaladkaas u saxdo.

Wax tilmaan ah ma haysan! Waxaan ku iri “xaqiiqdii ma awoodo inaan qaato go’aamo saxan. Waxaad ii sheegtaa waxa aad u malaynayso ay tahay inaan sameeyo, waan samaynayaaye”.

Maya ayuu iigu jawaabay. Aniga iima taal inaan ogaado waxa kaa khaldan, waa adiga masuuliyaddaada. Maxaad samaynaysaa si aad u saxdo?

Xilligaas, waxaan raadinaayay cid kale oo mushkiladda i haysa ii garata. Awooddayda ayaan ka tanaasulaayey anigoo qof kale siinayey awood uu igu hoggaamiyo. Maalintaas ayaan wacad ku maray inaad noqdo hoggaamiye-nafeed aan caadi ahayn.

Sababta kowaad ee hoggaamiyeyaashu ay u fashilmaan waxa weeye inay ku liitaan hoggaaminta naftooda. Waxaa ka maqan ogaal-qofeed, dhiirrigelin, damqasho iyo isla xisaabtan si ay ugu guuleystaan mansabyada sarsare. Sidoo kale shaqo ayey isku illaawaan wakhtina ma siiyaan naftooda si ay u daryeelaan si hagaagsan. Hoggaamiyeyaashani waxay u muuqdaan kuwo dabeecad xun, bilaa tamar ah oo niyad jabsan.

Hoggaamin-nafeeddu waa inaad masuul ka noqoto wax kasta oo aad samayso, go’aan kasta oo aad qaadato, eray kasta oo afkaaga ka soo baxa iyo tayada xiriirrada aad leedahay. Waxa weeye inaad fahanto waxa aad ku fiican tahay iyo waxa aad ku liidato aadna u adeegsato inaad horey ugu dhaqaajiso naftaada, kooxdaada iyo shirkaddaada.

2. Kalsoonidu waxay isu beddeshaa macangagnimo

Marka hoggaamiyeyaasha la shaqaalaysiiyo ama la dalacsiinayo waxay had iyo jeer rabaan inay caddeeyaan inay u qalmaan. Cadaadiskun waa mid dhab ah maadaama ay rabaan inay ka miro dhaliyaan hawshii loo diray.

Nasiibdarro, kuwo badan ayuu cadaadisku u horseedaa inay keligood go’aamo qaataan, wayna ku fashilmaan inay dadka wax weydiiyaan iyagoo yaraysanaya saamayntooda ururka. Waxay hilmaamaan inay meesha u joogaan inay u adeegaan dadka kale.

Hoggaamiyeyaashani waaa kuwo aaminsan inay wax kasta yaqaanaan, iyagoo joojiya inay cod dhegaystaan. Dheg jalaq uma siiyaan waxa dadku dhahaan, ama ka sii darane wayba eedeeyaan markii cid la wadaagto fikrad tooda ka duwan. Waxay aaminsan yahiin inay ka fiican yihiin dadka waxtarka leh [shaqaalaha]. Si sahlan, adoo dhegaysta, su’aalo weydiiya, una nisbeeya guulaha la gaaro kooxdaada. Hoggaamiyahu waxuu helaa tixgelin, aaminaad iyo kalsooni.

3. Ma awoodaan inay koox sameeyaan

Mid kamid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee hoggaamiyaha laga rabo waa inuu sameeyo koox xooggan. Haddii la waayo koox hawsheeda u gudan karta si heer sare ah, hoggaamiyaha iyo shirkadduba halgan ayaa suxullada caddaynaya. Waxaan had iyo jeer dhahaa haddii aadan samayn karin koox, ma noqon kartid hoggaamiye guuleysta. Si uu u dhiso koox xooggan, hoggaamiyuhu waa inuu marka hore fahmo dhaqanka. Waxaan shaqaalaysiiyey madax shirkadeed oo raacista dhaqanka shirkaddu uu ka ahaa af uun, uusan se niyad ahaan ka gadmin. Waxay si dhaqso ah u lumiyeen kalsoonidii kooxdooda.

Hoggaamiyuhu waa in sidoo kale uu la yimaado hiraal cad iyo tubtii la mari lahaa, kadib waa inuu abuuro yoolal qof kasta oo kooxda kamid ah ku hagaya fulinta qorshaha. Waa inay shaqaalaysiiyaan dad ku habboon ayna shaqada ka cayriyaan kuwo lamid ah, kadibna ay dhaqamadooda la socdaan isla markaasna ay la xisaabtamaan, koritaanka karaankoodana ka shaqeeyaan, fahmaan kooxda, dejiyaan xeer hoosaadyo, ayna abuuraan xeerar kooxdu ay ku shaqayso.

Hoggaamiyeyaasha badankood waxay dhahaan wakhti uma hayo hawlahaan, laakiin fikradayda hawlahaan ayaa ah dadaallada ugu muhiimsan mudantooda.

4. Ma tixgeliyaan faahfaahinta

Hoggaamiyeyaasha waxaa laga filanayaa inay ganacsiga u shaqeeyaan, lagama filaayo inay ka shaqaystaan, soo saas maaha?,iyadoo arrinkaa ay wax ka jiraan, fulinta istaraatiijiyadaha ayaa fure u ah socodsiinta hawl ganacsi oo guuleysata. Haddii uu hoggaamiyahu iska dhaafo inuu hawsha si faahfaahsan u dhugto, way kala daadataa.

Casharkaan jabka baa i baray markii aan joojiyey inaan shaqaalaha weydiiyo su’aalo faahfaahsan mar aan ku jirnay dedaalkii ugu muhiimsanaa ee aan wax cusub ku soo saaraynay. Bil kahor intaanan waxaas soo saarin, ayaan ogaaday inaan ka boodnay tallaabooyin muhiim ah, sidaa awgeed uusan sheygu diyaar u ahayn in suuqa la geliyo. Waan joojinay soo saaristii alaabta, taas oo daahisay lix bilood in sheygu uu isticmaal diyaar u noqdo, halkaas waxaan ku weynay boqolaal kun oo doolar oo dakhli nasoo gali lahaa ah. Inaad dhug u yeelaato faahfaahintu waxay muujinaysaa inaad tahay qof raba inuu hawsha si sax ah u qabato. Taas oo keeneysa qaadashada go’aamo istaraatiiji ah iyo in hawluhu si habsami leh u socdaan. Inaad isha ku hayso hawsha tin ilaa cirib waxay yaraysaa inaad samayso khaladaad dhaawacaya sidii laguugu han weynaa.

5. Waxay ku guuldarraystaan inay dadka ula xiriiraan si hagaagsan

Hoggaamiyeyaashu ma samayn karaan xiriir intii loo baahnaa ka badan. Dadku waxay rabaan inay hadalka hoggaamiyeyaashooda, xitaa haddii hadalku noqonayo run kharaar.

Hoggaamiyeyaashu waxay guuldarraystaan marka ay noqdaan kuwo aan daahfurnayn oo cidda ay hoggaaminayaan aanan la wadaagin sababta ay wax u samayn. Hoggaamiyeyaasha ku guuldarraysta inay si cad u qeexaan hiraalka, jahada loo dhaqaaqayo cayimaan, farriintoodan soo gudbiyaan waxay waayaan cid raacda.

Mar kale, jabka ayaa macallin ii noqday, inaanan sababta aan wax u samaynayo la wadaagin shaqaalaha, mar shirkaddayda aan rabnay inaan qaabka ay u shaqayso aan wax ka beddelno oo macaamiisha aan rabnay inaan goobooda ugu tagno. Khatartu mid aad u sarraysa bay ahayd, waxaanna ku soconaynay xawaare xawli ah. Ma rabin in shirkadaha aan isku waxa ka ganacsano ay ogaadaan hawsha aan wadno, sidaa aqgeed madaxda sare ee shirkadda ayaa isagu yimi qolka shirka anagoo ku naanaysnay “qolkii dagaalka”, waxaana ku dejinay qorshahii aan ku hawlgali lahayn. Albaabkii qolka shirarka waan qafilnay si aan loo arkin fikradaha iyo go’aamada ku qoran sabuuradaha. Annagoo u sheegnay shaqaalaha inay tahay sir weyn, qorshahaanna aanan shaqaalaha la wadaagayn ilaa uu noqdo mid dhan.

Tan ayaa ka dhignayd inaan ka hayaannay habkii aan u shaqayn jirnay, waayo, waxaan ahayn shirkad daahfurnaan ku shaqaysa oo maaliyadda iyo istaraatijiiyadda la wadaaga cid kasta.

Daahfurnaan la’aantu dadkii way ka nixisay.

Waxay shaqaalihii la fajaceen waxa aan samaynayno, iyadoo shaki la galiyey saxnaanta go’aamada aan qaadanay. Waxay taasi si khakso ah u sababtay is aaminaad la’aan, dadkiina waxay dareemeen in gabaahiir looga dhaqaaqay oo aan talada wax laga siin. Xaqiiqdii, sahmin shaqaalaha lagu sameeyey dhowr bilood kadib, mid shaqaalaha kamid ah ayaa dareenkiisa ku qeexay sidii boqoshaa mugdi la dhigay (in wax laga qariyey oo been loo sheegay).

Waxyeelladii arrinkaasi muddo ayey qaadatay in laga soo kabto. Shaqaalaha ayaan ka codsaday inay qorshaha eegaan oo fuliyaan balse habraacii ayey dadka qaar noqdeen kuwo aan ku qanacsanayn. Waxaan ku dhaartay inaan qaabkaa mar dambe u shaqayn.

Shaki kuma jiro in hoggaamintu tahay hayaan iyo mid goonni ah. Hogaamiyeyaashu waa inay yeeshaan xirfado ay ka helayaan waayo-aragnimada, tabarbarka iyo la-talinta. Waxay ku hagaagi karaan iyagoo naftooda barta, soofeeya habka ay dadka ula xiriirayaan, isu-dheellitira hawlaha ay qabanayaan, dhug u yeesha shayga tin ilaa cirib iyo inay muujiyaan is-dhul-dhigis.

W/Q: Kerry Siggins

W/T: Madasha Hoobaan

Leave a comment