Skip links
akhriska

YEELO XEELADAHA AKHRISKA

Qaamuuska afka Soomaaliga ee uu qoray marxuum Yaasiin C. Keenadiid, waxa uu ku ujeeddaynayaa erayga “Akhriyid” in uu yahay, “Eray ama hadal qoran kicin; ku dhawaaqid; naqid; marin.” Bogga 9.

Eray-qeexaha kale ee ay wada diyaariyeen Bare Cabdalle C.Mansuur iyo Annarita Puglielli ayaa isaguna boggiisa 20 waxa uu erayga “Akhri” ku sheegayaa in uu yahay, “Erayo ama weedho qoran daalacasho ama kor ugu dhawaaqid.”

Qaamuuska ugu tunka weyn afka Ingiriisiga ee Oxford ayaa isaguna ka agdhawaynaya oo “Reading” ku xusaya in uu yahay mid la ujeeddo ah, “Fasirashada qoraal ama xaalad la saarto.”

Mucjamka weyn ee af Carabidu waxa uu erayga “القراءة” ku micnaynayaa in uu yahay, “Ku-dhawaaqidda wax qoran.”Intaa ka soo gudub, Akhriska waxaa lagu tiriyaa waxyaabaha ay isdheeryihiin aadanaha, waa halka looga qiyaas qaato mujtamaca horumaray iyo kuwa dib u dhacay.

Markaan Akhriska ka hadlayo micnaheedu ma ahan in qofku yaqaano sida wax loo akhriyo, balse waa inuu qofku laxaw u hayo ogaanshaha xogo kala duwan oo ku soo siyaadinaysa  ogaal.

Aqoon ahaan, akhrisku waa hab dheegasho ah oo uu akhristuhu erayada qoran ka dheegayo macne buuxa, oo haddii ay erayadaa midba goonidiisa u qornaan lahaa aanay suura gasheen in akhristuhu helo macnaha uu damacsanaa qoruhu inuu soo gudbiyo ee uu helay marka uu isla akhriyay.

Dhanka kale Waxa la rumaysan yahay in qarnigii lixaad ee tirsiga Galbeedka uu soo baxay adeegsiga erayga “Reading.” Qabiilladii Saxon ee degaysay aagga webiyada Thames & Kennet ayaa uu innagu celinayaa. Akhriskaba, sida taariikhdu xusto, waxa la odhan jiray “Reada ingas,” taas oo la ujeeddo ah, “Dadkii Reada.” Eraygan “Reada” waxa uu ahaa magac la siin jiray hoggaamiyaha Saxon. Qoraal uu qoray Tim Lambert oo uu ku ladheeyay, “A BRIEF HISTORY OF READING, BERKSHIRE,” ayaa uu ku doodayaa in taariikhda akhrisku waqtiga sidaa u sii fog innagu celinayso.

Albert Manguel, qoraaga “A History of Reading,” ayaa ku tilmaamayay akhrisku in uu nafta aadanaha muhiim ugu yahay sida neefsashaduba muhiim ugu tahay. Waxa kale oo uu ku cabbirayaaba in akhrisku yahay “Furaha fahmidda dunida.” Haddiiba aad rabtid in aad dunidan fahamntid, oo aad ballaadhisid aqoonta aad u leedahay, wax akhri, weeye talada Manguel.

Haddaan dib u milicsano taariikhda nabiyada waxaan la soconaa in nabi Suleymaan Calayhi salaam uu fariin u diray boqortooyadii Saba’ ee ka jirtay dalka Yemen.

Sidoo kale falaasifada Giriigii hore ayaa la sheegaa in ay akhriska ku dadaali jireen, qarniyaddii hore meelaha xadaaradaha bani aadamka ka jiray waxaa kamid ahaa dhulkii Baabil ( dalka ciraaq), waxaa jira qoraallo badan oo ay diyaariyeen dadkii reer Baabil oo xilligaasi hogaanka u hayay ilbaxnimada insaanka, qarniyaddii dhexe jasiiradda carabta waxaa ka soo ifbaxay muslimiinta waxayna muddo kooban gudaheeda kula wareegeen xadaaraddii insaanka, saxaabada nabiga NNKH waxay ku dadaaleen qorista axaadiista laga weriyay nabiga NNKH, xilliyadii ka dambeeyay waxaa soo shaacbaxay qorista gabayada, xikmadaha, iyo funuunta kala duwan casrigaasi waxa uu ahaa xilligii Akhriska iyo qoraalka, maktabaddii magaalada Qurduba ee wadankii Andalus( Isbayn&Bortuqal) waxay qayb ka ahayd maktabadihii ugu weynaa ee jiray casrigii dhexe, buugaagta laga heli jiray waxay gaareen 400,000 ( Afar boqol oo kun) oo buug, waxaana xusid mudan in xilligaasi aanay jirin madbacada lagu daabaco buugaagta balse buugaagta waxaa lagu qori jiray gacanta.

Xadaaraddii shiinaha waxay geedaha ka sameeyeen warqad wax lagu qoro sanadkii 105 miilaadi, xilligaas ka hor waxay isticmaali jireen dhagaxaanta si wax loogu qoro, waxayna shiinuhu si weyn u qori jireen buugaagta ka hadla Beeraha iyo dhismaha magaalooyinka, sidoo kale xisaabta,caafimaadka ayay wax badan ka qoreen. Xadaaraddii Roomanka ayaa kaalin weyn kulahayd qorista buugaagta juqraafiga, khariidooyinka, badmaaxnimada, iwm. Qoraaga reer Taliyaani Caius Plinius Secondus ayaa qoray mid kamid ah buugaagta ugu caansan Taliyaaniga,wuxuuna u bixiyay “ Historia Naturalis” sidoo kale waxaa uu qoray 37 buug oo isugu jira Taariikhda Roma, suugaan, iyo kuwo kale, xadaaraddii Beershiya,qarnigii seddexaad ee miilaadiga waxay wax ka qoreen maamulka, iyo siyaasadda, waxaa jira buug ay qoreen Beershiyiinta oo lagu magacaabo “ Beeralayda iyo shaqaalaha” oo ah buug si weyn looga qadariyo Iran. Xadaaraddii Hindida waxay xoogga saareen culuumta cirka, aljabrada iyo xisaabta, kimistiriga, caafimaadka, iwm. Masaaridii hore waxay qayb ka ahaayeen Umadaha ku horumaray Akhriska, waxaa la sheegaa in ay ikhtiraaceen ama soo saareen warqad wax lagu qoro, inkastoo arintan dood ka taagantahay, Waxay wax badan ka qoreen injineeriyadda, xisaabaadka, iyo qorshaynta.

Qarniyadan dambe waxaa sii batay xiriirka dadka iyo buugaagta ka dhaxeeya, iyada oo dunida isu furantay, waxaa la helay madbacado, maktabado waaweyn, iyo sidoo kale aaladaha Elektarooniga, waxaa fududaatay helitaanka buugaagta, waxaa la helay internet oo si fudud looga soo dejin karo buugaag badan kadibna si fudud loo daabacan karo iyada oo aan safar dheer la galin.

Innaga ka soomaali ahaan hadalkeenna ayaa ka badan inta aan akhrido, halkii laga rabay inaan camirno maktabadaha waxaan camirnay makhaayadaha iyo goobaha fadhi-kudirirka, haddana rajo kale ayaan arkayaa, bandhigyada buugaagta ayaa ku soo badanaya magaalooyinkeenna.

Faylasuufkii faransiiska ahaa ee Voltaire oo noolaa intii u dhexaysay(1694-1778) waxaa maalin la weydiiyay su’aal ahayd,Yaa hogaamin doona insaanka? Wuxuu ku jawaabay kuwa yaqaana sida wax loo akhriyo.

Xeeladaha Akhriska.

Inta aanan u guda-gelin faah-faahinta qaab aqriseedkan, waxaa muhiim ah in aan ogaano deg-degsiiyaha aqrisku waxaa u ku xiran yahay awoodaada dabiiciga ah, nooca buuga ama macluumaadka aad aqrinayso, afka aad wax ku aqrinayso, xiisaha aad u qabto iyo qodobo kale oo fara badan. Xogta aad ka hayso dhiganaha aad aqrinayso ayey ku xiran tahay sida aad ku aqrinayso dhiganahaasi. Qaabkan waxaan loo adeegsan dhiganayaasha madadaalada loo aqristo, sida sheekooyinka, gabayada, riwaayadaha iyo dhamaan wixii la xiriira madadaalo ee u baahan inaad wax wada aqriso.

Inta aan mawduucayga u gada-galin waxaan ku sheegayaa akhristaha aan guusha gaarin ee waqtigiisa badan ee uu akhriska galiyo aan miro u dhigma ka keenin, waa akhristaha akhriya dhamaan xarafyada iyo weedhaha ku qoran dhiganaha uu Markaasi akhrinaayo, muhiimad ma lahan inaad xaraf walba akhrido hadaanay ahayn riwaayadaha iyo wixii madadaalo ah ee la halmaala.

Qaabkan SQ3R oo loo soogaabshay ereyada, SURVEY/SKIMING, QUESTION, READING, RECITE iyo REVIEW. Waxaa markii u horeysay so bandhigay Francis Pleasant Robinson sanadii 1946kii kunasoo bandhigay buugiisa Effective Study.

Hadaba aan sharaxo shantan qodob ee ay ka kooban tahay nidaamkan wax akhris ee SQ3R.

1.SURVEY/SKIMING. ( DULMAR).

Dulmarka buugu waa inaad soo qabato buuga meel degan oo aqris ku haboona la tagto, war bixin fiicana ka hayso qoraaga buuga, aqrido magaca buugga, labada Dahaar ee buuga, taxanaha cinwaanada buuga ee contants ama fahras afafka qalaad lagu dheho,cutubyada uu buugu ka kooban yahay adoo aqrinaaya cinwaanada waaweyn iyo kuwa yar-yar ee uu cutub walbaahi ka kooban yahay, jadwalada iyo sawirada buuga ku dhex jira, hordhaca iyo gunaanadka buuga. Intaasi waxay kaa qaadanaysaa waqti gaaraya 5 ilaa 8 daqiiqo, waxayna ka saacidaysaa inaad faham guud ka qaadato mawduucyada uu qoraagu dhiganahan ku qaadaa dhigaayo waxaadna ku go’aansan meelaha aad muhiimada siin doonto Iyo meelaha aan muhiimada weyn kuu lahayn.

2. QUESTION ( WEYDIIMO).

Waxaad diyaarsanaysaa weydiimaha aad jawaabahooda xiisaynayso inaad ka hesho buuga, adoo cutub walba su’aalo gooniya u diyaarsanaaya. U rog cinwaanada waaweyn iyo kuwa cinwaan hoosaadyada ah weydiimo, sida kuma, goorma, xagee, Sidee iyo sabatee? Waxay ka qaadanaysaa ilaa 10 daqiiqo, waxayna ka saacidaysaa inaad akhriskaaga hadaf u yeesho oo aad xiiso u qaado inaad hesho jawaabahaas waxayna kor u Qaadaysaa inaadan ilaawin jawaabahaasi.

3. READ (AKHRI).

Waxaad bilaabaysaa akhriska dhiganaha adiga oo cutub walba ka baaraya jawaabaha weydiimaha aad horey uga diyaarsatay oo kaliya, hadafkaaguna wuxuu noqonayaa inaad jawaabahaas baarto oo kaliya. Waxay ka qaadanaysaa ilaa 30-40 daqiiqo. Waxayna ka caawinaysaa in akhriskaagu noqdo mid deg-deg ah oo ka taga sadaro badan oo aan micna weyni ku jirin. Qaybtan jawaabaha qori aad maysid, laakiin haddii aad haysato qalin calaamadeed waad calaamadsan kartaa meelaha aad jawaabaha ka heshid.

4. RECITE ( ISKA-DHAGAYSI).

Qodobka afraad waa inaad dib uga jawaabtaa weydiimihii aad horey u diyaarsatay adigoo uga baxaaya qof buugan isna aqriyey ama aad adigu hoos isaga dhagaysato cod hoose, aadna diiwaan galiso jawaabahaga wixii aad xasuusatay iyo wixii aadan xasuusanba adigoo ku cabiraaya ereyadaada gaarka ah. Markaas kadib dib ugu laabo buuga kana fiiri wixii aad hilmaantay. Waxay ka qaadan ilaa 30 daqiiqo.

4. REVIEW. (MURAAJACO).

Dib u muraajacee weydiimahaagii iyo jawaabahoodii oo aad diiwaan gashatay saacado badan ama ayaaamo kadib, waxay ka saacidaysaa. Inaadan hilmaamin, waxayna ka qaadanaysaa waqti yar oo ilaa 20 daqiiqo ku siman.

FG: Wax walbaahi bilowga waa adagyihiin, ku cel-celin kadibse waxay ku noqotaa mid fudud, qaabkan waxaa aad u adeegsada dadka raba inay helaan miro dhal akhriseed  iyo qofkii Raba buug aan takhasus kiisa ahayn inuu akhriyo, cilmi baarisyo badan oo la sameeyey waxaa kasoo baxday in qofka qaabkan u akhriya buug iyo kan sida caadada ah u akhriya ee sadar walba akhriya uu ka faa’ido bato kagana sareeyo fahan ahaan   buuggas qofka qaabkan wax u akhriya.

Turjumaada ereyada aan macneeyey kama turjumayso macnihii ereyga oo sax ah ee waa fahamka qodobkaasi oo dhan.

W/Q: Abdijabaar Farma

Leave a comment