Skip links
Cilmi-baaristu

Maxay Cilmi-Baaristu Muhiim Ugu Tahay Ardayga Heerka Koowaad Ee Jaamacadda?

Cilmi-baaristu waa hab-raac habaysan taas oo baaritaan qoto dheer lagu sameynayo dhib meel ka jirta si xal loogu helo. Sida in baaritaan lagu lagu sameeyo saamaynta ay colaaduhu ku leeyihiin caafimaad ka bulshada, sidaas oo kale in baaritaan lagu sameeyo dhibaatada dhaqan-dhaqaale ee uu qaadku ku leeyahay bulshadeenna. U jeed ka cilmi-baarista caynkan ahi waa in la helo xog qoto dheer oo dhammaystiran si xal loogu helo dhibkaas.

Dhanka kale markasta ma ahan cilmi-baaristu inay xallinayso dhib markaas taagan oo kajirta dunida si guud ama deeggaan gaar ah. Balse taas beddel keeda waxaynu cilmi-baaris xeel dheer oo wakhti, juhdi iyo maalba galay u samaynaa inaynu abuurno aqoon cusub oo aan horay u jirin, ama inaynu wax ka beddelno adeegsiga aqoonta hadda jirta innaga oo adeegsanayna hab cusub oo hal abuur leh, si loo dhaliyo fikrado, habab iyo faham cusub. Tusaale, dadka ku takhakhusay barashada aadanaha iyo cilmi nafsigu waxay cilmi-baaris ku samayn karaan sababta dadku ugu raaxaystaan/uga helaan ammaanta? Kuwa ku takhakhusay cilmiga falaggu (Astronomy) waxay baaritaan kusamayn karaan xajmiga, qaab-ka iyo nolosha ka jirin karta meerayaasha sare, taas oo bini’aadam-ku wali kahayn xog dhamaystiran lakiin ay isku dayayaan in ay ka helaan macluumaad dheeri ah.

Maanta, cilmi-baaristu waa xirfad lagama maarmaan ah, taas oo u sahlaysa in ardaygu yeesho xirfadda hab ururinta xogta, qaabaynta, gorfaynta, iyo tarjumidda/faahfaahinta xogta, si looga jawaabo su’aal gaar ah ama loo xalliyo dhib. Cilmi-baarista waxaa lagu sameyn karaa dhinacyo kala duwan, oo ay ku jiraan sayniska, cilmiga bulshada, cilmiga dhaqaalaha, caafimaad-ka, deegaan-ka, iyo kuwo kale oo badan.

Heerarka waxbarashada iyo cilmi-baarista:

Markii laga yimaado waxbarashada asaaska ah ee barashada diinta (dunida Islaamka), iyo marxaladaha iskuulka ee kala duwan, waxbarashada intaas ka dameysa (post-secondary education), oo loo aado mahcad, iskuul farsamo gacan, ama jaamacad si ardaygu u yeesho xirfad, waayo aragnimo iyo takhakhus gaar ah, waxaa lama huraan ah in ardaygu sameeyo cilmi-baaris, si gaar ah markuu ardaygu dhiganayo machad iyo jaamacad taas oo looga gol leeyahay in ardaygu fahmi karo sidoo kale baari karo dhibaatooyin ka bulshada haysta si khaasa kuwooda la xiriira cilmiga uu ardaygaasi baranayo.

Haddaba, heerka kowaad ee jaamacadda oo ah midka ugu muhiimsan wax barashada jaamacadda heerar keeda kala duwan maadaama uu yahay sallaanka ardaygu uu ka soo fuulayo waxbarashada sare, ahna halka uu ka helayo fahamka ugu badan uguna asaasisan mihnadda uu rabo in uu ku takhakhuso. Waxbarashada heerka kowaad ee jaamacaddu waa meesha la doonayo in uu ardaygu ka helo fahamka guud si guud cilmiga uu baranayo, si gaar ahna inta  ugu badan xirfadaha iyo fahamka cilmi-baarista maadaama baraha maadada cilmi-baaristu ee heerkaan waxbarasho uu garowsan yahay in ardayga marxaladdan jooga uusan horay u soo baran xirfaddaan.

Waxaa muhiim ah in jaamacaddu ay siyaasad adag ka yeelato cilmi-baarista, yaa ardayga baraya xirfaddan?, tiro intee le’eg ayaa fasalkiiba ku baran karta?, sidee ayeynu xatooyada cilmiga (plagiarism-ka) u xaggamaynaynaa xilliga ardaydu samaynayaan cilmi-baarista? Ardayga ma u diyaarinay deegaan wax akhrista/wax-baaris lagu sameyn karo IWM?. Halkani waa meelaha cilladaha ugu waaweyni ka jiraan jaamacadaheenna, waa arrin mudan oo ay tahay in jaamacaduhu ku baraarug sanaadaan in cilmi-baaristu ka mid tahay shaqooyin ka ugu muhiimsan ee laga filayo jaamacaddu inay bulshada u qabato. Waxaa lagama maarmaan ah in heer-ka kowaad ee jaamacadda ardayga loo diyaariyo faham, iyo xirfad ahaanba cilmi-baarista.

Intaas markaynu kaga nimaadno fahamka guud ee cilmi-baaristu waxay tahay, iyo muhiimaddeeda guud,

Maxay Cilmi-Baaristu Muhiim Ugu Tahay Ardayga Heerka Koowaad Ee Jaamacadda?

Waxaa jira  sababo badan oo ay cilmi-baaristu muhiim ugu tahay ardayga heer-ka koowaad ee jaamacadda dhiganaya.

  1. Faham Guud: Heer-ka koowaad ee waxbarashada jaamacaddu waa meesha uu ardaygu kahelo fahamka ugu badan ee la xiriirta cilmi-baarista. Waa halka u fududeysa ardaygu inuu helo xirfad dahabi ah oo baahi weyn dunidu u qabto taasoo marxaladdan ka hor ardaygu faham buuxa uusan ka haysan.

 Fahamkan guud ee muhiim ka ah wuxuu ardaygu helaa marka uu u diyaarsan yahay oo uu garanayo qiimaha xirfaddani u leedahay bahda qalin-layda iyo guud ahaan-ba nolosha aadanaha. Haddii marka u horraysa ee ardaygu xirfaddan baranayo haysto aragti guud oo noocan ah waxa dhacaysa in ardaygu uu xiise gooni ah u qaado xirfaddaan ka dibna uu si fiican u dhuuxo, taas oo u  suurto galinaysa ardayga hadduu helo bare xirfaddan si fiican u yaqaan  in uu helo faham guud oo ku saabsan cilmi-baaristu waxay tahay, sida wax loo baaro iyo macluumaad badan oo xirfaddan la xiriira.

  1. Habab-ka xog ururinta: xirfaddani waxay muhiim u tahay oo ardayga baraysaa nooc yada xogaha aynu sida maalinlaha ah u isticmaalno, sida xogta loo soo ururiyo, waxyaabaha iyo qaababka la addegsado markii xog cilmi-baaris la soo ururinayo, waxyaabaha iyo qaababka la isticmaalo xilliyada qaabaynta xogta, meelaha xogaha laga raadiyo, sida xogta loo loo raadiyo, iyo guud ahaan xirfadaha wax ku ool-ka ah ee cilmi-baarista.
  1. Anshaxa Cilmi-baarista: Anshaxa cilmi-baarista waxaa loola jeedaa sharciyada iyo mabaadi’da xukuma habdhaqanka cilmi-baaraha iyo cilmi-baarista si loo helo xog dhammaystiran, dhowr-soon, oo lays ku halayn karo. Dhanka kale na loo dhowro fayo-qabka, sirta, xuquuqda, iyo sharafta hay’adaha ama shakhsiyaadka ku lugta leh geeddi-socodka cilmi-baarista.

Bulshadeenu aad uguma baraarugsana arrintaan la xiriirta anshaxa cilmi-baarista oo aad ayeynu u fududaysannaa. Inta badan jaamacadaheenu malahan haddii ay leeyihiinna badan koodu kuma dhaqmaan sharciyo adag oo lagu xaggameynayo been abuur-ka cilmi-baarista. Sidoo kale aad uma aynu isticmaalno qaabab iyo waxyaabaha loo isticmaalo xagamaynta xatooyada cilmiga (plagiarism checker software).  tani waxay keentay in tayada cilmi-baarista ardaydu aad u hoosayso.

Waxaa la gudboon ardayda Soomaaliyeed inay muhiimadda anshaxa cilmi-baarista ku baraarugaan xilli hore, waa in aysan fududeysan “waxaad barato oo xumi waa baas-kaa” lakiin tan beddelkeeda waa in ay hubiyaan oo ay is baraan in talaabo walba oo ay qaadayaan xilliga jaamacadda heer-keeda 1’aad ay tahay mid aan ku xad gudbayn anshaxa cimi-baarista, laga bilaabo doorasha mowduuca ay baarayaan ilaa maalin-ka difaacashada buugga.

  1. Helidda hab fikir toolmoon: Barashada xirfadda cilmi-baaristu waxay ka caawisaa ardayga inuu horumariyo hab fikirkiisa, waxay ardayga ka dhigtaa mid jeclaysta waxa loo sheegayo in uu taxliiliyo/gorfeeyo oo gudaha u sii galo (critical thinker), tani waa xirfad muhiim u ah in aqoon yahanku leeyahay qarnigaan 21’aad. Maadaama dunidu is beddelayso oo faafitaanka beentu kabadantahay runta. Fikirka toolmooni wuxuu ka caawinayaa ardaygu in uu san noqon mid ay hoggaamiso caadifaddu, tan oo fara ba’an ku haysa maanta da’yarteenna ka soo baxaysa goobaha wax barashada iyo guud ahaan bulshadeenna. Hab fikirka toolmooni wuxuu sababayaa in qofku isticmaalo xirfadda gorfaynta (why skills) taas oo u diidaysa qof-ka in waxwalba oo uu maqlo, arko ama loo sheego uu horay ka aamino.

Sidoo kale xirfadda cilmi-baaristu waxay ardayga baraysaa in uu yeesho xirfadaha dhagaysiga, akhriska, qoraalka, dulqaadka iyo dad wax u sheegga. Xirfadahaani waxay ardayga ka dhigayaan shakhsi ka duwan ardayda kale ee la jaalka ah.

  1. Yeelashada hal-abuur: Cilmi-baaristu waxay ku dhiirri-gelisaa ardayga inuu yeesho hal-abuur maadaama cilmi-baaristu ku gaynayso duni aad u balaaran oo cilmi, macluumaad iyo afkaar kala duwani ka buuxdo. Tani waxay ardayga ka caawin kartaa inuu sahmiyo oo uu layimaado fikrado cusub. Ardaygu markuu leeyahay hal-abuur intaan la gaarin afkaarta, cilmiga, iyo aragtiyaha kala duwan ee uu bulshadiisa ku biirinayo, asaga ayey aad u bilaysaa hal-abuurnimadu oo ugu yaraan waxay wanaajinaysaa hab dhaqankiisa, waxay kobcinaysaa hammigiisa, iyo aragtidiisa qof ahaaneed, waxay kasaaraysaa qofka ciriiriga dhanka garashada iyo habfikir-ka, waxay sare u qaadaysaa awoodda ardayga ee xalinta mashaakilaadka maalin laha ah.
  1. Korriimada Waxbarashada Ardayga:Cilmi-baadistu waxay door muhiim ah ka qaadataa korriimada iyo koboca tacliinta ardayga. Waxay kordhisaa xirfadaha kala duwan ee ardaygu u leeyahay cilmi-baarista, waxay kor u qaataa waayo aragnimada ardayga, waxa kobcisaa garaadka ardayga, waxay sare u qataa xogta iyo macluumaadka ardaygu ka hayo maadada uu ka dhiganayo jaamacadda. Waxay ardayga dhaxalkiisaa inuu helo aqoon dhaafsiisan inta kooban ee lagu dhigto fasalka.

Waxaa in taas dheer ardayga oo si fiican u fahma cilmi-baarista xilliga waxbarashada jaamacadda heer-ka koowaad, waxay asaas adag iyo gogol xaadh u tahay  u diyaar garowga heerar-ka kale ee jaamacadda (graduate education), waxayna ka dhigaysaa ardayga mid leh tayada cilmiga uu soo bartay una diyaarsan qaybaha kale ee tacliinta sare.

  1. U diyaarsanaanta Suuqa Shaqada: Sida cilmi-baarisyo kala duwani ina tusinayaan ama aynu ba si toos ah ugu aragno waxaa sii yaraanaya fursadaha shaqo ee banaan, waxaa sii yaraanaya mushaharaad-ka uu doonayo in shaqa bixiyuhu uu siiyo shaqaalahiisa, taas lidkeeda waxaa sii badanaya filashada loo shaqeeyaha iyo culays-ka shaqooyin-ka. Dhinaca kale na waxaa sii kordhaya maalin ba maalinta ka damaysa xirfadlayaasha doonaya shaqo cusub ee shaqo la’aanta ah. Kuwaas oo isugu jira arday jaamacadaha dalka ku yaala ka qalinjabinaya, kuwo dibadda wax ku soo bartay iyo ajaanib xirfadlay ah oo shaqo raadista ah.

Haddaba, xirfadda cilmi-baaristu waxay qayb ka noqonkartaa oo kor u qaadin kartaa kanshadaada aad ku helin karto shaqo. Maadaama ay kaa caawinayso yeelashada xirfadaha tirada badan ee aynu kor ku soo sheegnay, shaqa bixiyaashuna ay aad u daneeyaan shaqaale leh xirfado kala duwan oo u buuxin karaya boosas iyo baahiyo kala duwan.

Gaba-gabadii, Marka la soo koobo, cilmi-baaristu waa qayb aasaasi ah oo ka mid ah waxbarashada aynu jaamacadaha ku dhiganno, waana xirfad nololeed aynu u baahannahay inta aynu nool nahay oo xag waxbarasho iyo dhan shaqo ba muhiim inoo ah. Sidaa darteed waxaan kula talinayaa dhalinta Soomaaliyeed ee kusoo biiraya waxbarashada sare in ay barashada xirfaddaan xoogga saaraan xilli hore oo ay san is oran gadaal ayaad ka baranaysaa.

Xirfaddaan cilmi-baarista oo aad si fiican u baratid waxay kaa dhigaysaa qof leh wax soo saar, leh hal abuur, ahna xalkeen. Maanta majirto mujtamac bulshadeenna uga baahi badan in la sameeyo cilmi-baarisyo kala duwan si loo xalliyo dhibaatooyinka tira beelka ah ee ina haysta, loo tayeeyo nolosha bulshadeenna dhibban, loo badbaadiyo dhaxalka, iyo taariikhada jiil keenna dame, maadaama aad arkaysid in maanta dhankasta ay inagaga socdaan mowjado marin habaabin ah, markii dunidu garowsatay inaynu nahay bulsho nugul oo aan lahayn dhankasta soo yaal qoran oo ay iyagu gacanta ku haystaan. U baro xirfaddan si fiican oo dunida, iyo dadkaagaba wax ku biiri.

W/Q: Ahmed Hussein Suleiman (Xaruur)

Leave a comment