Skip links
Horumar

SIRTA HORUMARKA QEYBTA KOOWAAD

Waxaa laga yaabaa inaan is waydiinno, gaar ahaan haddii aan Soomaali nahay: maxaa keenay in umadaha qaarkood ay gaaraan horumar balaaran, looguna yeero waddamada horumaray “Developed Countries”, iyadoo qaarna loogu yeero waddamada soo kororaya ama “Dunida 3aad”.

Maxaa keenay in sidaas loo qaybsamo, oo laka fogaado, aduunyada qaybi ay dayaxa degaan, teknooloojiyada Meesha ugu sarraysa ka gaaraan, qaybina ay beerka dhulka ku hayaan, lana ildaranyihiin dayac iyo burbur.

Waddamo badan oo ka mid ah kuwa soo koraya, ayaa ka gilgishay dayaca iyo burburka haysta dalalkooda, iskuna dayay inay badbaadiyaan umaddooda, qaar badani guul ayay ka gaareen, waxayna dalalkooda gaarsiiyeen horumar la taaban karo, qaarna halgan bay ku jiraan inay guulaystaanna u badan.

Haddii aan tusaale u qaadano Jasiiradda yar ee la yiraahdo Singaboor, waxay xornimadeeda qaadatay 1965tii, waxaa degan dad kala duwan oo ka kooban: Shiinays, Hindi iyo Malaaya, waxaa Ra’iis Wasaare ka noqday ninka la yiraahdo Lee Kuwan Yu, waxaa soo wajahay culays farabadan oo ay ka mid tahay: shaqo la’aan, hoy xumo, fasaad dhinaca maamulka ka jira iyo dhaqaale xumo, wuxuu u hawl galay sidii uu u dhisi lahaa dawlad xoog leh oo dhibaatooyinkaas ka talaabsata, dadaal dheer kadib waxay noqotay waddamada adduunka ugu horumarsan, waxaa lagu tiriyaa dawladda shanaad ee kaydka lacagta adag, lacag gaaraysa 170 Bilyan oo doolar ayay gacanta ku haysaa, waxaana lagu tiriyaa dawladaha ugu deggan xagga siyaasadda iyo amaankaba.

Su’aashu waxaa weeye: maxay ku gaartay heerkaas, iyadoo waliba ahayd Jasiirad yar oo aan wax dhaqaalo ah ama khayraad dabiici ah aan lahayn?.

Waxaa la oran karaa Singaboor waxaa qayb wayn ka qaatay horumarkeeda hogaanka wanaagsan, kaasoo waddanka ku hagay siyaasad keentay inuu meel sare gaaro, waxaa kaloo la tilmaamaa inay horumarkeed qayb ka yihiin:

  1. Hab-dhaqanka dadka reer Singaboor iyo sida loosoo barbaariyay; kaasoo ka dhigay kuwa dalkooda wax walba ka hormariya, jecel, daacad u ah, waddaniyiin dhab ah lagu tilmaami karo, taasoo keentay inay horumarkiisa ka shaqeeyaan.
  2. Singaboor waxay xooga saartay in dalku u hogaansamo qaanuunka “Rule of law”, waliba in ay dawladdu ku adadkaato dhaqan gelinta qawaaniinta dalka u degan, haddii ay dhacdo in qof uu khilaafo qaanuun degan waxaa la jideeyey ciqaab, waxaa tusaale kuu ah: haddii qof uu musqulaha dadka u dhexeeya ku xaajo guto oo uu kasoo baxo isagoon biyo raacin waxaa lagu ganaaxayaa $300, qofkii ku xad gudba maalka guud ee dadka u dhexeeya waxaa lagu ciqaabaa: ganaax, xarig iyo jeedlid; arrintaani waxay qayb ka noqotay in dadku aad u ilaaliyaan qawaaniinta la dejiyay qof ku xad gudbi karaana uusan jirin.

Gabagabadii, waxaan arkaa in Soomaali ahaan ay arrintani tusaale noo noqon karto, sirta horumarka inaan barannana loo baahan yahay, waxaa nala habboon inaan isdabaqanno oon ka shaqayno horumarka dadkeena iyo dalkeena, umadda Soomaaliyeedna laga badbaadiyo dhibaatada ku habsatay oo muddada dheer soo jiitamaysay.

Sirta horumarku waxay kusoo aruuraysaa: Siyaasad toosan, waddaniyad iyo qawaaniinta oo la ilaaliyo.

 W/Q: Dr. Maxamed Cali Faarax

Leave a comment